Jabuuti oo iska fogeysay in ay "xanibtey" Fahad Yaasiin Daahir

Image
Rakaabka duulimaadka Turkish Airlines ee ku wajahnaa Muqdisho ayuu xusey in ay raacayaan diyaarad kale.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowlada Jabuuti ayaa shaacisay in rakaabka duulimaadka Turkish Airlines ay Muqdisho ku tagi doonan diyaarad kale oo ay kasoo raacayaan magaalada Istanbul halkaasoo dib loogu celiyey.

Maxamuud Cali Yuusuf, wasiirka arrimaha dibadda dalkaas oo si kooban uga falceliyey eedeyntaas, ayaa beeniyay wararka lagu faafiyey baraha bulshada ee ka timid Villa Soomaaliya.

"Waxaan sii wadi doonnaa in aan garab istaagno walaalaheenna Soomaaliya laakiin marnaba ma faragelinno arrimahooda gudaha," ayuu ku qoray ciwaankiisa gaarka ah ee mareegga Twitter-ka.

Yuusuf ayaa caddeeyay in dib-u-dhaca duulimaadka Turkish Airlines ee uu saarnaa Fahad ay salka ku hayso "arrimo farsamo" wallow aysan tafaasiil dheeraad ah ka bixin ciladaas.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa goor sii horeysay waxay sheegtay in Jabuuti ay "xanibtey" safarka agaasimihii xilka laga qaadey ee hay'adda sirdoonka qaranka iyo saraakiil wehlisa.

Villada ayaa dhacdadaas waxay ku tilmaamtay "xadgudub ka dhan ah xuquuqda musaafiriinta iyo shuruucda caalamiga ah" uguna baaqdey in ay u fududeyso socdaalkooda.

War-saxaafadeedka oo lagu faafiyey ciwaanka mareega Facebook-ga ee afhayeenka Farmaajo ayaa intaas wuxuu ku darayaa in Jabuuti "ay qaadeyso mas'uuliyada wixii dhibaato ah oo soo gaara amnigooda shakhsiga ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Aadan Madoobe oo lagu qasbay inuu Xildhibaan Abiib Kursigiisa u celiyo

Wasaarado katirsan Xukuumadda Xamse ayaa lagu soo waramayaa in warqadaha Abiib ay ku waayeen lacag badan iyo Mashaariic.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 06:03PM

Madaxweynaha Soomaaliya oo si gabasho la’aan ah ugu faanay guulaha Ciidamada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu maqaalka ku shegeey in dagaalka lagula jiro argagixisada…

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 12:26PM