Jubaland: Farmaajo wuxuu garab u noqdey dalmiga

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Jubaland ayaa sheegtay in ay ku qanacsan tahay tallaabooyinka uu qaadey Ra’iisul Wasaaruha ee "uu kaga jawaabay codsiyadii isdaba jooga ahaa ee ka imanayay qoyska Ikraan Tahliil Faarax.

"Jubaland waxay ku qanacsan tahay tallaabooyinka uu qaadey Ra’iisul Wasaaruhu ee kaga jawaabay codsiyadii isdaba jooga ahaa ee ka imanayay qoyska, qaraabada iyo shacab weynaha Soomaaliyeed ee lagu dalbanayey sidii ay cadaalad ku heli lahayed sarkaalad ikraan Tahliil," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Axmed Madoobe.

Madaxweynaha waqtigu ka dhacay Farmaajo ayay ku cambaareysay "isku-dayga uu ku xagal-daacinayo dedaalada cadaaladda loogu raadinayo haweenayda ka tirsaneyd hay'adda mukhaabaraadka waddanka".

Rooble oo shaqadda ka joojiyay Fahad Yasiin Daahir, agaasimihii hay'adda NISA, ayaa wareegto wuxuu ku yiri: "Markii (ra'iisul wasaaraha) uu garwaaqsaday in warbixintii hay'adda (NISA) ee ku saabsanayd kiiska Ikraan Tahliil, aanay ahayn mid lagu qanci karo. Ra'iisul Wasaaraha wuxuu shaqada ka joojiyay Agaasimaha Guud ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir".

Golaha Midowga musharraxiinta madaxweynaha ayaa sidoo kale qoraal ay soo saareen goor dhowayd ku soo dhaweeyay warsaxaafadeed Ra'iisul Wasaare Rooble uu xilka uga joojiyay Fahad Yasin.

Shaqo joojinta Fahad Yaasiin Daahir ayay ku sheegeen "mid fure u ah caddaalad ay helaan qoyska Ikraan Tahliil oo la afduubay lana dilay". "Waxay kaloo billow u tahay soo celinta sumcada hay’adda," ayay raaciyeen.

Agaasimaha cusub ee NISA, Bashiir Goobe, ayay ka rajeeyeen in uu soo celiyo sumcadii hay'addu lahayd. Qoyska Ikraan ayay hoosta ka xariiqeen in ay garab-taagan yihiin illaa ay cadaalad la helayaan.

Ugu dambeyn, Jubaland oo ku eedeysay Farmaajo uu garab u yahay dulmiga iyo cadaalo daradda ayaa ugu baaqdey shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaag u muujiyaan hirgelinta doorashada iyo guud ahaan sareynta sharciga.

Hoos ka akhriso qoraalka Jubaland

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad oo loo magacaabayo Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda - XOG

Cali Balcad wuxuu ahaa wakiilka gaarka Madaxweyne Xasan Sheekh arrimaha wadahadalka Itoobiya iyo hirgelinta heshiiskii Ankara.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:37AM

Aadan Madoobe oo Cabsi in xilka laga qaado u furi la'yahay Gollaha Shacabka

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, ayaa ilaa hadda ka jawaabi waayay eedeymaha soo baxay.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:09AM