Jubaland oo dhameystirtay xubnaha ku metelaya Aqalka Sare

Image
Dhamaan xubnaha labinta helay ayaa kusoo baxay wareegga koowaad ee coddeyntan ka dhacdey Kismaayo.

KISMAAYO, Jubaland - Maamulka Jubaland ayaa Khamiista maanta ah wuxuu dhameystiray xubnaha afarta sano ee soo aadan ku meteli doona Aqalka Sare baarlamaanka 11aad ee federaalka Soomaaliya.

Sida uu shaaciyey guddiga maamulaya coddeynta ka qabsoontey Kismaayo, Xasan Daahir Yarow ayaa hantay kursiga 5aad. 59 cod ayuu kaga adkaadey Cabdi Xuseen Cali oo helay 13 cod.

Ibraahim Aw-gaab Cusmaan ayaa lagu dhawaaqay in uu kusoo baxay kursiga lixaad kadib markii uu 57 cod kaga adkaaday Farxiya Macalin Cabdi oo wadar ahaan heshay 14 cod.

Layla Nuur Maax ayaa noqotay haweenaydii ugu horeysay ee Senator ah laguna doortey Kismaayo kadib markii 63 cod kaga adkaatay musharaxii la tartamaayey oo ah Xareedo Maxamed Sheekh oo heshay 9 cod.

Maryam Faarax Kadiye ayaa ku guulaysatay kursiga 8-aad ee xubnaha Aqalka Sare ee Jubbaland kadib markii ay 50-cod kaga badisay Samsam Maxamed Bishaar oo ay u coddeeyeen 22 mudane.

Dhamaan xubnaha guuleystay ayaa kusoo baxay wareegga koowaad. Madasha ay ka qabsoontey waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan guddiga khilaafaad xalinta heer federaal iyo mid heer dowlad goboleed.

Wadar ahaan, Jubaland waxay Aqalka Sare ee baarlamanaka federaalka Soomaaliya ku leedahay sideed xubnood. Afar waxaa cod loo qaadey bishii Julaayo ee sanadkan kadib coddeyn ka dhacdey isla Kismaayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM

Soomaaliya: Agaasimihii Hore ee NISA oo Wasiirka Gaashaandhigga Ku Eedeeyay Cabsi-gelin Siyaasadeed

Hadalka Sanbaloolshe ayaa yimid kaddib markii Wasiir Axmed Macallin Fiqi uu sheegay in dowladda ay "u naxariisatay".

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 08:53PM