Jubaland oo eedeyn u jeedisay dowladda federaalka

Image
Diyaaradda ku dhacdey Doolow ayaa ahayd mid xamuul waxaana ay ka baxdey magaalada Muqdisho.

KISMAAYO, Jubaland - Jubaland oo ka falcelisay diyaaradii shalay ku gubatay garoonka diyaarada Doolow ayaa sheegtay in dowladda Federaalka wali ay fara-gelin ku hayso garoomada diyaaradaha dowlad goboleedkaas.

Dhanka kale, Madaxweyne kuxigeenka koobaad ee Dowladda Jubaland ahna kusimaha Madaxweynaha, Maxamuud Sayid Aadan, ayaa gudoomiyey kulanka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Dowladda Jubaland.

Shirkan ayaa intii uu socday waxaa warbixino kala duwan looga dhageestay Wasaarado kala duwan oo ay ugu horeyso Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Jubaland.

Sidoo kale, Wasaaradda Caafimaadka iyo xeer ilaaliyaha guud ee Dowladda Jubaland Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan kaas ayaa ka warbixiyay safarkiisii shaqo ee uu ku tagay Dalalka Eithopia iyo Seychelles.

Sidoo kale shirkan ayaa waxaa maanta lagu ansixiyay xisaabiyaha guud ee Dowladda Jubaland Cabdicasiis Maxamed Ilkacase iyadoo loo ansixiyay qaab gacan taag ah

Madaxwaynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa 30-ka bishii ina soo dhaaftay ee Octobar magacaabay Xisaabiyaha guud ee Dowladda Jubaland.

Diyaaradda ku dhacdey Doolow ayaa ahayd mid xamuul waxaana ay ka baxdey magaalada Muqdisho. Illaa haatan, lama ogga sababta dhabta ah ee ka dambeysa burburka diyaaradda. Sidoo kale, khasaaro lama soo sheegin.

Hoos ka akhriso bayaanka Jubaland

May be an image of text

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM

Soomaaliya: Agaasimihii Hore ee NISA oo Wasiirka Gaashaandhigga Ku Eedeeyay Cabsi-gelin Siyaasadeed

Hadalka Sanbaloolshe ayaa yimid kaddib markii Wasiir Axmed Macallin Fiqi uu sheegay in dowladda ay "u naxariisatay".

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 08:53PM