Jubaland oo qabatay xubno ka tirsan amniyaatka Al-Shabaab

Image
Xubnahaas ayaa gacanta lagu dhigay ayaga oo "dhuumaaleysanaya magaalada iyo nawaaxigeeda".

MUQDISHO, Soomaaliya - Jubaland ayaa sheegtay in ay qabatay xubno ka tirsan amniyaatka Al-Shabaab kadib howlgal ay ka sameysay magaalada Kismaayo.

Sida laga soo xigtay qoraal kasoo baxay hay'adda sirdoonka Jubaland, xubnahaas ayaa gacanta lagu dhigay ayaga oo "dhuumaaleysanaya magaalada iyo nawaaxigeeda".

"Hay'ada Sirdoonka & Nabadsugida Jubbaland ( JISA) ayaa howlgallo lagu xaqiijinayo amniga ka wada gudaha magaalada Kismaayo kuwaas oo lagu beegsanayo xubno kamid ah kooxaha argagaixisada ee ku dhuumaaleysanaya magaalada iyo nawaaxigeeda," ayay tiri hay'adda.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Howlgalladan ayaa ka socdey walina ka socda dhamaan xaafadaha magaalada Kismaayo kuwaas lagu qabqabtey xubno kamid ah haraadiga amniyaatka ee argagixisada ayada oo qeybo kalena lagu daba jiro".

"Dhawaan waxaan bulshada la wadaagi doonaa warbixintooda oo dhameystiran iyo shaqooyinkii lidka ku ahaa amniga dadka iyo dalka ee ay ku howlanaayeen," ayuu xusay.

Bayaanka ayaa lagu soo xiray: "Dhamaan shacabka Soomaaliyeed gaar ah bulshada reer Kismaayo waxaan ugu baaqeynaa inay indho u noqdaan ciidamada ammaanka ayna ku garab istaagaan howlgallada lagu ciribtirayo haraadiga ku dhex dhuumaaleysanaya magaalada Kismaayo".

Dhaqdhaqaaqan ayaa kusoo aadaya xilli Jubaland ay isku diyaarineyso qabashada doorashooyinka Aqalka Hoose kuwaasoo ka kala dhacaya Kismaayo iyo Garbahaarey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM

Soomaaliya: Agaasimihii Hore ee NISA oo Wasiirka Gaashaandhigga Ku Eedeeyay Cabsi-gelin Siyaasadeed

Hadalka Sanbaloolshe ayaa yimid kaddib markii Wasiir Axmed Macallin Fiqi uu sheegay in dowladda ay "u naxariisatay".

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 08:53PM