Kolanyo ka tirsan AMISOM oo lagu qarxiyey Muqdisho

Image
Waa qaraxii labaad oo caasimadda Soomaaliya ka dhacay 12-kii saac ee lasoo dhaafay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax loo maleynayo in uu ka dhashay gaari laga soo buuxiyey waxyaabo qarxa ayaa Khamiista maanta ah ka dhacdey isgoyska Banaadir ee magaaladda Muqdisho.

Warar horudhac ah ayaa tibaaxaya in lala beegsadey kolanyo ka tirsan askarta howlgalka Midowga ee AMISOM kuwaasoo marayey laamiga isku xira magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Lama ogga haddii bartilmaameedka uu ahaa kolanyadda. Balse, waxaa goobta uu falku ka dhacay ka akdhow Villa Baydhabo, oo ah fariisinka labaad ee ciidamada Soomaaliya ku leeyihiin Muqdisho.

Ma jirto koox illaa haatan dusha saaratay weerarkan. Hase ahaatee, dhacdooyinka noocaan ah oo kale ah waxaa looga bartay dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab.

Waa qaraxii labaad oo caasimadda Soomaaliya ka dhacay 12-kii saac ee lasoo dhaafay. Sidoo kale, waa weerarkii saddexaad oo aggaas ka dhaca saddexdii bilood ee lasoo dhaafay.

Ugu yaraan saddex askari ayaa maanta ku dhaawacmay qaraxa oo ka dhacay xaafadda Ceel-Qalow oo katirsan degmada Wadajir, iyadoo wararka ay sheegayaan in goobya wax ka dhaceen lagu qaado Canshuurta baabuurta.

Galab Jimce ah 29-kii September, 2021, naftii halige ayaa isku qarxiyey meel u dhow Villa Baydhabo. Wax khasaaro ah kama dhalan falkaas. Balse, waxaa mas'uuliyadiisa sheegatay Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM