Koonfur Galbeed iyo UN-ka oo ka shiray doorashada Soomaaliya

Image
Image
Image
Is-aragan ayaa Sabtida maanta ah wuxuu ka qabsoomay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay wakiilka xoghayaha guud Qaramada Midoobey ee Arimaha Soomaaliya, danjire James Swan oo ay wehliyaan diblumaasiyiin kale.

Laftagareen iyo Swan ayaa ahaa mid saacado qaatay waxa ay uga wada hadleen Arimaha Doorashayoonka, Xaqiijinta Amniga goobaha doorashada lagu qabanaayo iyo sidii wax loogu qaban lahaa dadkii laga soo Musaafuriyey Magaalada Laascanood.

James Swan ayaa Laftagareen ugu mahadceliyey doorka muhiimka ahaa ee uu ka qaatay dhex-dhexaadinta Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'isul Wasare Rooble oo ka heshiiyey qodobadii ay isku khilaafsanayeen.

Ergayga jamciyada qurumaha ka dhaxeysa ayaa dhanka kale Madaxweynha ku bogaadiyey inuu sii dar-dargeliyo Doorashada Xildhibaanada Gollaha Shacabka.

Dhinaca kale, Laftagareen ayaa saaxibada Beesha Caalamka uga mahadceliyey Doorka ay ka qaadanayaan,Qabsoomida Doorashada,Xaqiijinta Amniga iyo Hirgelinta Mashaariicda.

"Waxaa uu xusay Madaxweynaha in Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay ka goan tahay inay sida ugu dhow ay uqabato Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Laftagareen.

Koonfur Galbeed ayaa laga yaabaa in ay noqoto maamulkii ugu horeeyay ee degaanadiisa ka bilaaba doorashooyinka xubnaha Aqalka Hoose wallow dhanka kale ay suurtagal tahay in xulista sharci-dejiyeyaasha  gobolada waqooyi ay ka bilowdaan magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM

Soomaaliya: Agaasimihii Hore ee NISA oo Wasiirka Gaashaandhigga Ku Eedeeyay Cabsi-gelin Siyaasadeed

Hadalka Sanbaloolshe ayaa yimid kaddib markii Wasiir Axmed Macallin Fiqi uu sheegay in dowladda ay "u naxariisatay".

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 08:53PM