Majaajiliste Ajakis oo ku geeriyoodey magaalada Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Majaajiliste Cabdi Muriidi Dheere oo loo yaqaaney [Ajakis], ayaa Maanta ku dhintay Isbitaal ku yaalla Muqdisho.

Ajakis ayaa maalmo kahor xanuun uu kusoo boodey loo dhigay Isbitaalka, iyadoo la sheegay in isla xanuunkaas uu saakay u geeriyoodey.

Farmaajo, madax kale oo muxaafid iyo mucaarad isagu jira ayaa tacsi ka diray geerida Ajakis, oo guud ahaan dalka iyo dibadda caan ka ahaa.

Ajakis wuxuu si gaar ah caan ugu ahaa tarjumaadda Filimaanta Hindiga, iyadoo mudooyinkii dambe barjaamij madadaallo ka qabanayay Universal TV.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Turkiga u saxiixay inuu yeesho 90% Dakhliga Shidaalka Soomaaliya

Si kastaba ha ahaatee, saamiga dakhliga ee heshiiskan ayaa dhaliyay muran xooggan oo ku saabsan cadaaladda heshiiska.

  • Soomaliya

    23-04-2025

  • 01:12PM

Midowga Yurub: Ma sii wadi karno kaligeen kharashka nabad ilaalinta Soomaaliya

Shirka Kampala ayaa noqon doona talaabo muhiim u ah dejinta ajandaha shir madaxeed la filayo in uu dhaco horraanta bisha Maajo.

  • Soomaliya

    23-04-2025

  • 08:26AM