Markab kalluumeysi sharci darro ka wadey Soomaaliya oo la qabtay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada ilaalada xeebaha Galmudug ayaa sheegay inay qabteen Markab kalluumeysi sharci-darro ah ka wadey xeebaha degmada Hobyo, ee gobolka Mudug.

Markabkan ayaa ku shareecanayay calanka Shiinaha ayaa waxaa la sheegay in mudo billooyin ah uu kalluunka ugala baxayay xeebaha, isagoo aan haysan ruqsad kalluumeysi.

Waxaa la socda madmaaxiyaal gaaray 17, oo kasoo jeeda Shiinaha, India iyo Indonesia, kuwaasoo xabsiga la dhigay, waxaana soconaya baaritaanno, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta maamulka Galmudug.

C/raxmaan Cali Dhiblaawe, oo ah taliyaha Ciidanka ilaalada xeebaha Hobyo ayaa sheegay in markabka uu dhibaateeyay dhowr doon oo kalluumeysato Soomaali ah leeyihiin, kuwaasoo qaarkood uu qalabkooda burburiyay.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray inay sii wadi doonaan howlgallada ay kusoo qabanayaan maraakiibta shisheeye ee jariifka kawada xeebaha dalka Soomaaliya.

Arinta ayaa kusoo aadaysa xili Wasaaradda kalluumeysiga Soomaaliya lagu eedeeyay inay ku lug leedahay kalluumeysiga sharci-darada, iyadoo si qarsoodi ah ku bixiyaan madaxdeeda ruqsado kalluumeysi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM

Soomaaliya: Agaasimihii Hore ee NISA oo Wasiirka Gaashaandhigga Ku Eedeeyay Cabsi-gelin Siyaasadeed

Hadalka Sanbaloolshe ayaa yimid kaddib markii Wasiir Axmed Macallin Fiqi uu sheegay in dowladda ay "u naxariisatay".

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 08:53PM