Miisaaniyadda Galmudug ee 2022-ka oo la meelmariyey

Image
Image
Image
Qoraalka madaxtooyada dowladda Galmudug laguma xusin tirada saxda ah ee miisaaniyada.

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Madaxweynaha Dowladda Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye ayaa shir gudoomiyay shirka golaha wasiirada DGM oo galabta ku qabsoomay aqalka Madaxtooyada Galmudug.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa maanta looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin Miisaaniyadda Dowladda Galmudug ee 2022, Xeerka Biyaha iyo xaaladaha biyo la’aaneed ee soo food saaray deegaanada Galmudug.

Golaha wasiirada ayaa dood iyo falannqeyn kadib ansixiyay Miisaaniyadda 2022 ee Dowladda Galmudug iyo Xeerka Biyaha. Qoraalka madaxtooyada Galmudug laguma xusin tirada saxda ah ee miisaaniyada.

Ugu danbeyntii Golaha Wasiirada ayaa baaq u diray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka sidii degdeg wax loogu qaban lahaa dadka ku dhaqan deegaanada Galmudug ee dhawaan biyo la’aanta baahsan ay soo food saartay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM