Miisaaniyadda Jubaland ee 2021-2022 oo la meelmariyey

Image
Image
Image
Kobaca dhaqaalaha iyo wax soo saarka Jubaland ayaa la saadaaliyey in sanadka soo socda uu gaari doono 60%.

MUQDISHO, Soomaaliya - Kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen golaha wasiirada Dowlada Jubaland oo uu shir gudoominayay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam, ayay golahu dood dheer ka yeesheen miisaaniyada sanadka oo ay soo gudbisay Wasaarada maaliyada.

Wasiirka Wasaarada Maaliyada iyo hormarinta dhaqaalaha Xuseen Xirsi Axmed, ayaa golaha la wadaagay hormarka dhinaca wax soo saarka iyo dib u dhiska dhinaca dhaqaalaha ah kaas oo  wax badan ka badali doona xaalada deegaanka sanadaha soo socda.

Wasiirku wuxuu sheegay in kobaca dhaqaalaha iyo wax soo saarka Jubaland uu sanadka soo socda ee 2022 uu gaari doono 60% taas oo kamid ah yoolasha ay wasaaradu hiigsanayso.

Miisaaniyada sanadka 2021-2022 ayaa gaaraysa 40,301,997.05 taas oo ka kala imanaaysa dhinacyo kala duwan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM