Natiijo horudhac ah oo laga soo saarey baarista kiiska Ikraan

Image
Cabdullaahi Buulle Kamey, xeer-ilaaliyaha maxkamadda ciidamadda, ayaa si toos ah Tv-ga qaranka uga akhriyey warbixinta.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddiga ay dowladda federaalka Soomaaliya u saartey baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil Faarax ayaa Axada maanta ah wuxuu soo saarey warbixin horudhac ah.

Warbixinta oo laga sii daayey telefishinka ku hadla afka dowladda ayaa lagu sheegay in la wareystay dhamaan eedeysaneyaasha ama shaqsiyaada "cabashadda laga soo gudbiyey".

Cabdullaahi Buulle Kamey, xeer-ilaaliyaha maxkamadda ciidamadda qalabka sidda oo baaritaanka hogaaminayey, ayaa si toos ah wuxuu Tv-ga qaranka uga akhriyey warbixinta.

Mr Kamey oo natiijadan ku sifeeyay "mid horudhac ah" ayaa hoosta ka xariiqay in ay diiradda saareen afar qodob kuwaasoo max-suulka baaritaankooda uu noqdey;

- In NISA (hay'adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka) ay si hufan ula shaqeysay xafiiska xeer-ilaalinta ciidamadda qalabka sidda iyo guddiga baaritaanka

- In ay waayeen caddeymo muujinaya in Ikraan Tahliil Faarax oo ahayd sarkaal muhiim ah oo mukhaabraadka ka tirsanaa ay ku maqan tahay gacanta hay’adda NISA

In NISA ay guddiga ku wareejisay gal-baarineed la xiriira in Ikraan ay afuubatay Al-Shabaab kadibna dileen (Kamey ma uusan bixin tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan baaritaanka).

In guddiga dalbanayo in shaqsi kasta oo macluumaad ka haysa kiiska ay lasoo wadaagto si loo maxkamadeeyo ciddii ka dambeysay (Kamey ma cayamin haddii abaalmarin lagu bixinayo).

Ikraan oo la waayey 26-kii June, 2021 ayaa kiiskeeda wuxuu sabab u noqdey isku-dhaca hogaanka waqtigu ka dhacay ee dalka iyo dib-u-dhac badan oo ku yimid doorashooyinka heer federaal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM

Soomaaliya: Agaasimihii Hore ee NISA oo Wasiirka Gaashaandhigga Ku Eedeeyay Cabsi-gelin Siyaasadeed

Hadalka Sanbaloolshe ayaa yimid kaddib markii Wasiir Axmed Macallin Fiqi uu sheegay in dowladda ay "u naxariisatay".

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 08:53PM