Nin la dhashay Xildhibaan oo lagu dilay Muqdisho

Image
Shaqsiyaad kala duwan oo ay ku jiraan musharaxiin madaxwqyne ayaa tacsi u diray qoyska marxuumka una rajeeyay bedel aad u wanaagsan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Cali Cabduqaadir Muudey oo ahaa nin ganacsade ah ayaa geeriyooday kadib markii xaley koox hubaysan ku dishay degmada Dharkeynley.

Cali oo sidoo kale ahaa samafale ayaa ahaa nin dhalinyaro ah oo ku noolaa degmadda Dharkeynley (Madiino). Wararka waxay xusayaan in la diray dablaygii khaarijiyey.

"Cali waxa meel kaga soo baxay min hubaysan kaasoo rasaas ku furay xilli uu u socday masaajid salaadii Makhrib. Cali ayaa markiiba u geeryooday dhawacii kasoo gaaray, waxuuna ah Aabe leh caruur iyo xaas. Runtii waa geeri xanuun badan, alle subxanuhu watacaala ha u naxriisto, samir IYo imaan haka siiyo hooyadii Faadumo Xaaji," ayuu yiri qof kamid ah saaxiibadii.

Marxuumka ayaa waxay walaalo ahaayeen Xildhibaan Hassan Abdulkhader Mudey, guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka.

Shaqsiyaad kala duwan oo ay ku jiraan musharaxiin madaxwqyne ayaa tacsi u diray qoyska marxuumka una rajeeyay bedel aad u wanaagsan.

"Alle ha u naxariisto marxuum Cali Cabduqaadir Muudeey oo gacan ka xaq daran ay caawa Muqdisha ku dishay. Waxaan u tacsiyaynayaa qoyska iyo qaraabada uu ka baxay, gaar ahaan Xildhibaan Hassan Abdulkhader Mudey oo uu walaalkiisa ahaa. Waxaan Alle uga baryayaa in uu jannatul firdawsa ka waraabiyo, reerkana samir iyo iimaan siiyo," ayu yiri Daahir Maxamuud Geelle.

Dilalka qorsheysan ayaa aad ugu badan caasimada Soomaaliya xilliyadan oo kale waxaana inta badan lala xiriiriyaa maleyshiyaadka Al-Shabaaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM

Soomaaliya: Agaasimihii Hore ee NISA oo Wasiirka Gaashaandhigga Ku Eedeeyay Cabsi-gelin Siyaasadeed

Hadalka Sanbaloolshe ayaa yimid kaddib markii Wasiir Axmed Macallin Fiqi uu sheegay in dowladda ay "u naxariisatay".

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 08:53PM