Qarax ka dhacay Caasimadda Gobolka Shabeellaha Hoose

Image

MARKA, Soomaaliya - Qarax miino ayaa saakay ka dhacay magaaladda Marka, ee Caasimadda gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay saraakiisha booliska xaqiijiyeen.

Jugta qaraxa ayaa laga maqlay xaafadaha ay ka kooban tahay magaalo xeebeedka, iyadoo warar kala duwan ay kasoo baxayaan khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca.

Qaraxa ayaa ka dhacay Garaashka Cawaale, oo ku dhaw saldhiga booliska degmada, waxaana ku dhimatay ugu yaraan labo qof, oo uu kamid yahay nin si aad ah looga yaqaaney Marka oo Saciid Jilbow lagu magacaabi jiray.

Ma jiro cid illaa hadda sheegatay mas'uuliyadda qaraxa oo kusoo aadaya xili magaaladda ay ku jirto go'aan ay saartay Al-Shabaab dhowr sano kadib, taasoo sababtay in looga safri waayo dhanka dhulka. Dadka waxay adeegsadaaan dhanka badda.

Magaaladan ayaa horey u ahayd xarun dhaqaale oo Al-Shabaab haysatay mudo 7 sano ah, iyadoo laga saarey sanadkii 2014 kadib howlgal wadajir ah oo AMISOM iyo Ciidanka dowladda ka fuliyeen gobolka.

Marka waxay Muqdisho u jirtaa qiyaastii 111-KM oo dhanka Koonfur Galbeed uga beegan tahay, waxaana maamula dowladda Federaalka oo Ciidankeeda ay ku sugan yihiin, iyadoo banaanka ay ka ilaalinayaan AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Aadan Madoobe oo lagu qasbay inuu Xildhibaan Abiib Kursigiisa u celiyo

Wasaarado katirsan Xukuumadda Xamse ayaa lagu soo waramayaa in warqadaha Abiib ay ku waayeen lacag badan iyo Mashaariic.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 06:03PM

Madaxweynaha Soomaaliya oo si gabasho la’aan ah ugu faanay guulaha Ciidamada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu maqaalka ku shegeey in dagaalka lagula jiro argagixisada…

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 12:26PM