Qarax ka dhacay Caasimadda Gobolka Shabeellaha Hoose

Image

MARKA, Soomaaliya - Qarax miino ayaa saakay ka dhacay magaaladda Marka, ee Caasimadda gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay saraakiisha booliska xaqiijiyeen.

Jugta qaraxa ayaa laga maqlay xaafadaha ay ka kooban tahay magaalo xeebeedka, iyadoo warar kala duwan ay kasoo baxayaan khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca.

Qaraxa ayaa ka dhacay Garaashka Cawaale, oo ku dhaw saldhiga booliska degmada, waxaana ku dhimatay ugu yaraan labo qof, oo uu kamid yahay nin si aad ah looga yaqaaney Marka oo Saciid Jilbow lagu magacaabi jiray.

Ma jiro cid illaa hadda sheegatay mas'uuliyadda qaraxa oo kusoo aadaya xili magaaladda ay ku jirto go'aan ay saartay Al-Shabaab dhowr sano kadib, taasoo sababtay in looga safri waayo dhanka dhulka. Dadka waxay adeegsadaaan dhanka badda.

Magaaladan ayaa horey u ahayd xarun dhaqaale oo Al-Shabaab haysatay mudo 7 sano ah, iyadoo laga saarey sanadkii 2014 kadib howlgal wadajir ah oo AMISOM iyo Ciidanka dowladda ka fuliyeen gobolka.

Marka waxay Muqdisho u jirtaa qiyaastii 111-KM oo dhanka Koonfur Galbeed uga beegan tahay, waxaana maamula dowladda Federaalka oo Ciidankeeda ay ku sugan yihiin, iyadoo banaanka ay ka ilaalinayaan AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya oo cabsi amni darteed u diiday Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya inuu dalkeeda galo

Dowladda Kenya ayaa masaafurisay Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji.

  • Soomaliya

    29-06-2026

  • 07:56AM

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM