Qarax ka dhacay Muqdisho iyo Sarkaal katirsan NISA oo lagu dilay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax culus ayaa ka dhacay saakay magaaladda Muqdisho, ee Caasimadda Soomaaliya kaasoo uu ku dhintay Sarkaal katirsanaa hay'adda Nabad Sugida ee NISA.

Goobjooge ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in qaraxa oo ahaa miino lala eegtay Gaari Cabdi-Bille ah oo uu saarnaa taliyaha NISA ee degmada Deyniile xili uu ku sugnaa xaafadda Ceel-Shaale.

Taliyaha NISA ee Deyniile Cabdishakuur Raage oo loo yaqaaney [Cabdi Yare], iyo saddex kamid ahaa ilaaladiisa ayaa ku dhintay qaraxa, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro kale, kuwaasoo loola cararay Isbitaalka.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka, iyadoo qoraal ay soo saartay ku sheegtay in taliyaha iyo 11 askari ay ku dishay qaraxa miino, kaasoo kusoo aadaya xili degmada Deyniile ay kusoo badanayaan dilalka iyo falalka amni darro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM

Soomaaliya: Agaasimihii Hore ee NISA oo Wasiirka Gaashaandhigga Ku Eedeeyay Cabsi-gelin Siyaasadeed

Hadalka Sanbaloolshe ayaa yimid kaddib markii Wasiir Axmed Macallin Fiqi uu sheegay in dowladda ay "u naxariisatay".

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 08:53PM