UN-ka oo cambaareeyay barakicinta Laascaanood

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay'ado ka shaqeeya arrimaha bani'aadamnimada ayaa walaac ka muujiyay xarigga iyo barakicinta qasabka ah ee ka socota Laascaanood, xarunta gobolka Sool oo Somaliland maamusho.

In ka badan 1,000 haween, carruur iyo rag isagu jira ayaa laga soo saarey magaaladda 2dii iyo 3dii bisha, iyadoo tallaabadan ay Somaliland kala kulantay cambaareyn iyo cadaadis caalami ah.

Dadka lasoo barakiciyay ayaa kasoo jeeda Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxayna qaarkood ku noolaayeen Laascaanood mudo tobanaan sano, iyaoo ku lahaa ganacsi kobac sameynayay.

UN OCHA ayaa sheegtay in tallaabadan dadka ay Somaliland kula kacday ee barakicinta ah ay ka baxsan tahay xeerarka bini'aadanimo iyo midka xaquuqul insaanka. Waxay ugu baaqdey Somaliland inay dadka si sharaf leh ula dhaqanto.

Dadkan laga soo barakiciyay Laascaanood waxaa lagu soo dhaweeyay degaanada Puntland, iyagoo dib u dejin loogu sameeyay magaalooyinka ay Gaalkacyo kamid tahay, halkaasoo mas'uuliyiinta gobolka Mudug ku caawinayaan.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in dad kale ay jidka kusoo jiraan kadib markii laga soo saarey Laascaanood. Madaxweynaha Koonfur Galbeed Lafta-Gareen ayaa shalay gudi u magacaabey inay dadkan lasoo barakiciyay ay degaanadooda kusoo celiyaan.

Somaliland waxay difaacdey tallaabadan barakicinta ah, iyadoo ku doodeysa in dadkan ay qeyb ka qaadanayeen amni darrada, islamarkaana dadka degaanka ay dalbadeen in laga saaro. Laakiin, odayaasha dhaqanka degmada ayaa beeniyay inay wax ka ogaayeen arintan.

Horey ayaa Somaliland loogu eedeeyay inay ku fashilantay amni xumada, islamarkaana mas'uul ka tahay dilalka ka dhacayay magaaladda tan iyo markii ay la wareegtay sanadkii 2007.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM