Qoorqoor iyo Laftagareen oo ka degay Muqdisho xilli xiisad jirto

Image
Warar ayaa sheegaya in ay ku biirayaan dedaalada la isugu soo jiidayo Rooble iyo Farmaajo.

MUQDISHO, Soomaaliya - Hogaamiyeyaasha Koonfur Galbeed iyo Galmudug, Laftagareen iyo Qoorqoor, ayaa maanta ka degay caasimada Soomaaliya ee magaala madaxda Muqdisho.

Socdaalkan ayaa wuxuu imaanayaa xilli xiisada siyaasadeed ee ka dhalatay kiiska sarkaalada ka tirsaneyd hay'adda NISA, Ikraan Tahliil Faarax, ay cirka isku sii shareertay.

Wararka laga helayo illo wareedyo madax-banaan ayaa intaas ku daraya in Qoorqoor iyo Laftagareen ay ka qeyb-qaadanayaan dedaaladda qaboojinta xasaradan.

Laftagareen ayaa kasoo laabtey dalka Turkiga. Bayaan kooban oo kasoo baxay xafiiskiisa ayaa lagu yiri "Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka ka dib Safar Maalmo qaatay oo ugu Maqnaa Dalka Walaalaha-nahay ee Turkiga".

Ma jiro war rasmi ah oo ku saabsan socdaalkan oo illaa haatan kasoo baxay xafiisyada warfaafinta Qoorqoor iyo Laftagareen. Isku-dayo Garowe Online sameeyay ayaan guuleysan.

Hogaanka dalka ayaa isku khilaafay qaabka loo maareynayo kiiska Ikraan. Hay'adda sirdoonka waxay sheegtey in Ikraan ay dishay Al-Shabaab balse qoyskeedu kuma qancin.

Khilaafka madaxweynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo iyo ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble wuxuu qarxay markii wasiirka koowaad uu amray in si daahfuran loo baaro qadiyaddan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya oo cabsi amni darteed u diiday Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya inuu dalkeeda galo

Dowladda Kenya ayaa masaafurisay Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji.

  • Soomaliya

    29-06-2026

  • 07:56AM

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM