Qoyska Ikraan oo ka hor-yimid warbixinta guddiga baaritaanka

Image
Hooyadda Ikraan ayaa sheegtay in ay kalsoonida kala noqdeen maxkamadda ciidamadda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Qoyska Ikraan Tahliil Faarax ayaa naqdiyey warbixinta horudhac ah ee kasoo baxdey guddiga dowladda federaalka Soomaaliya ay u saartey baaritaanka gal-dacwadeedkan.

Qaali Maxamuud Guhaad, oo ah hooyadda Ikraan, ayaa sheegtay in aysan "aqbali karin" warbixinta oo ay ku tilmaamtay in ay tahay "been lasoo dhoodhoobay oo ay ka shaqeeyeen dambiileyaasha".

"Waa wax qaldan. Waa wax lasoo dhoodhoobay. Ninkii maanta dhawaaqayna ma ahayn qofkii aan galka u dhiibanay. Wax bini'aadanimo iyo Soomaalinimo ku qanacsan ma ahan," ayay tiri Guhaad.

Sida laga soo xigtey Qaali oo u warantey laanta afka Soomaaliga ee VOA-da, qoyska Ikraan ayaa ku adkeysanaya in gabadhooda ay ku maqan tahay gacanta NISA "waxaana dalbanaynaa cadaalad".

Iyadda oo hadalkeeda sii wadata, Qaali oo sheegtay in ay kalsoonida kala noqotay maxkamadda ciidamadda ayaa hoosta ka xariiqay in la masaxay (la tirtiray) kaamirooyinka duubay "sida loo afduubay Ikraan".

"Somaaliya dhibaatadda haysata waa cadaalad daradda maxaa yeelay nimankii aniga gabadheyda dhibaateeyay ayaa la leeyahay ayaa gal keenay. Waa xoog sheegasho. Xoogga ilaahey ha tusiyo," ayay xustey.

Ugu dambeyntii, Qaali oo carabka ku dhufatay in ay wali kalsooni ku qabto in ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble uu cadaalad u keeni karo ayaa ugu baaqdey culimada in ay ka qaylo-dhaamiyaan qadiyadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM

Soomaaliya: Agaasimihii Hore ee NISA oo Wasiirka Gaashaandhigga Ku Eedeeyay Cabsi-gelin Siyaasadeed

Hadalka Sanbaloolshe ayaa yimid kaddib markii Wasiir Axmed Macallin Fiqi uu sheegay in dowladda ay "u naxariisatay".

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 08:53PM