Rooble oo afar qodob dul-dhigay wasaaradda maaliyada

Image
Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta ayaa cuskadey xaalada kala guurka ah ee dalka uu ku jiro.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa amray Wasaaradda Maaliyadda inaan la bixin karin wax qarasha ah ilaa isaga amar laga helo.

Sidoo kale, mushaharka Ciidamada, Shaqaalaha Dawladda iyo qarashaadka kale ee lagama maarmaanka u ah adeegga dawlada ayuu faray in aan ogolaanshiyahiisa la'aantiisa la bixin karin.

Qodobadan ayaa ku cad wareegto ku taariikheysan 9-ka bisha September, 2021 uu kasoo baxdey xafiiska wasiirka koowaad uuna arkay warsidaha Garowe Online.

Qodobada ayaa kala ah;

1- In aan la bixin karin wax kharash, noocii doono ha ahaadee, ilaa oggolaansho laga helo RW XFS.

2- Mushaarka ciidamada iyo shaqaalaha, raashinka ciidamada, mashaariicda iyo wixii kale ee kharash lagama maar-maan u ah adeegga dowladda, waa in marka ay mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyaddu waajibaadkooda shaqo ka gutaan, oggolaansho ka helaan RW XFS inta aan la bixin wax lacag ah.

3- Wax lacag ah lagama soo qaadi karo qoondada DFS ee lacagta hay’adda IMF ee loo yaqaan SDRs iyada oo aan oggolaansho laga helin Ra’iisul Wasaaraha XFS.

4- Ma jirto wax kale oo iska beddelay shaqada hay’adaha dowladda ee warqaddani ku socoto.

Wareegtada hoos ka akhriso

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM