Rooble oo amar dul-dhigay madaxa KMG ah ee NISA

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xafiiska Ra'isul Wasaare Maxamed Xussen Rooble ayaa soo saaray war-saxafadeed kaasoo lagu sheegay in Ra'isul Wasaaraha uuso dhaweynayo iscasilaada Agaasimihi hore ee NISA Fahad Yasin.

Sidoo kale, bayaankan lagu sheegay in uu yahay faafin deg-deg ah ayaa waxaa lagu amray in Agaasimaha kumeel gaarka ah uu sida ugu dhaqsiyaha badan xafiiska uga shaqo galo.

Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa daabacday bayaanka uu soo saaray Rooble oo jawaab u ah wareegto uu horey u soo saaray Madaxweynaha xilkiisu dhamaadey ee Famaajo.

Rooble oo ay Farmaajo isku khilaafeen qaabka loo maareynayo kiiska Ikraan Tahliil Faarax ayaa durbadiiba goor hore ku amray warbaahinta qaranka inaysan baahin wararka  ka soo baxa xafiiska Farmaajo.

Ilo wareedyo ayaa u sheegaya Garowe Online in xafiiska warfaafinta Farmaajo laga xanibey iney galaan oo ay wax ku qoraan warbaahinta qaranka Soomaaliyeed, gaar ahaan baraheeda bulshada sida Facebook iyo Twitter.

Hoos ka akhriso qoraalka Rooble

No photo description available.

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya oo cabsi amni darteed u diiday Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya inuu dalkeeda galo

Dowladda Kenya ayaa masaafurisay Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji.

  • Soomaliya

    29-06-2026

  • 07:56AM

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM