Rooble oo amar dul-dhigay madaxa KMG ah ee NISA

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xafiiska Ra'isul Wasaare Maxamed Xussen Rooble ayaa soo saaray war-saxafadeed kaasoo lagu sheegay in Ra'isul Wasaaraha uuso dhaweynayo iscasilaada Agaasimihi hore ee NISA Fahad Yasin.

Sidoo kale, bayaankan lagu sheegay in uu yahay faafin deg-deg ah ayaa waxaa lagu amray in Agaasimaha kumeel gaarka ah uu sida ugu dhaqsiyaha badan xafiiska uga shaqo galo.

Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa daabacday bayaanka uu soo saaray Rooble oo jawaab u ah wareegto uu horey u soo saaray Madaxweynaha xilkiisu dhamaadey ee Famaajo.

Rooble oo ay Farmaajo isku khilaafeen qaabka loo maareynayo kiiska Ikraan Tahliil Faarax ayaa durbadiiba goor hore ku amray warbaahinta qaranka inaysan baahin wararka  ka soo baxa xafiiska Farmaajo.

Ilo wareedyo ayaa u sheegaya Garowe Online in xafiiska warfaafinta Farmaajo laga xanibey iney galaan oo ay wax ku qoraan warbaahinta qaranka Soomaaliyeed, gaar ahaan baraheeda bulshada sida Facebook iyo Twitter.

Hoos ka akhriso qoraalka Rooble

No photo description available.

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad oo loo magacaabayo Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda - XOG

Cali Balcad wuxuu ahaa wakiilka gaarka Madaxweyne Xasan Sheekh arrimaha wadahadalka Itoobiya iyo hirgelinta heshiiskii Ankara.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:37AM

Aadan Madoobe oo Cabsi in xilka laga qaado u furi la'yahay Gollaha Shacabka

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, ayaa ilaa hadda ka jawaabi waayay eedeymaha soo baxay.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:09AM