Rooble oo Doha kula kulmay dhigiisa Qadar [SAWIRRO]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

DOHA - Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa saacadihii hore ee Maanta kulan kula qaatey magaaladda Doha dhigiisa dalka Qadar Sheekh Khalid Bin Khalifa Al-Thani.

Waxay kawada hadleen arrimo dhowr ah, oo ay ugu horeeyaan xoojinta xiriirka labada dal iyo kordhinta mashaariicda horumarineed ee Dowladda Qadar ay ka fuliso Soomaaliya.

Rooble oo booqasho rasmi ah ku jooga Qadar, ayaa la filayaa inuu la kulmo Amiirka dalkaas Sheekh Tamiim Bin Hamad Al-Thani oo usoo diray casumaadda.

Qadar ayaa la rumrysan yahay inay ujeedooyin qarsoon ka leedahay casuumaada Rooble, maadaama ay xiriir la leedahay Farmaajo oo khilaaf kala dhaxeeya Ra'iisul Wasaaraha.

Doha waxay mudo afar sano ah taageersanayd Farmaajo, iyadoo sidoo kale dhaqaale badan ku bixisay sidii dalka looga eryi lahaa Imaaraadka markii ay billaabatay xiisaddii Khaliijka 2017.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM

Soomaaliya: Agaasimihii Hore ee NISA oo Wasiirka Gaashaandhigga Ku Eedeeyay Cabsi-gelin Siyaasadeed

Hadalka Sanbaloolshe ayaa yimid kaddib markii Wasiir Axmed Macallin Fiqi uu sheegay in dowladda ay "u naxariisatay".

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 08:53PM