Rooble: Way iga go'an tahay in Ikraan ay hesho cadaalad

Image
Image
Image
Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Rooble ayaa maanta la kulmay qoyska Ikraan Tahliil Faarax. [OPM Somalia]

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Rooble ayaa maanta la kulmay qoyska Ikraan Tahliil Faarax oo ay wehliyaan Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Cabdullaahi iyo xubno ka tirsan ehelada.

Rooble ayaa "mar kale u xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay ay helaan caddaalad, uuna qaadi doono tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si arrintaas loo xaqiijiyo, waxa uuna ku baaqay in si degdeg ah loo sii daayo dadka aan waxba galabsan ee la afdduubtay".

"Ra’iisul Wasaaraha ayaa mar kale u xaqiijiyay qoyska Ikraan sida ay uga go’an tahay ay helaan caddaalad, uuna qaadi doono tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si arrintaas loo xaqiijiyo, waxa uuna ku baaqay in si degdeg ah loo sii daayo dadka aan waxba galabsan ee la afdduubtay," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Rooble.

Musharax madawayne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa Rooble ku bogaadiyey la kulanka qoyska Ikraan.

"Waan ku ammaanayaa Raysalwasaare Rooble la kulanka waalidka iyo ehelka Ikraan Tahliil. Waxaan rajaynaynaa in 24 soo socda uu qaato go’aan waalidka iyo shacabkaba qanciya," ayuu yiri.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo qudhiisa qoraal ku daabacay bartiisa Facebook-ga ayaa rajeeyay in Rooble uu saacadaha soo aadan qaadan doono go'aan u adeegaya cadaaladda.

"RW Rooble qoyskii Ikraan Tahliil ayuu gurigiisa ku qaabilay maanta si uu ugu tacsiyeeyo, xanuunka iyo murugadana ula qaybsado. Farmaajo-na meel 200 tilaabo u jirta ayuu ku xafladeynayaa!," ayuu tibaaxay.

Rooble ayaa 48-saacadood u qabtey agaasimaha hay'ada sirdoonka Soomaaliya, Fahad Yaasiin Daahir, si uu u soo gudbiyo warbixin dhameystiran oo ku saabsan Ikraan "maadaama aan lagu qancin xogtii horey".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad oo loo magacaabayo Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda - XOG

Cali Balcad wuxuu ahaa wakiilka gaarka Madaxweyne Xasan Sheekh arrimaha wadahadalka Itoobiya iyo hirgelinta heshiiskii Ankara.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:37AM

Aadan Madoobe oo Cabsi in xilka laga qaado u furi la'yahay Gollaha Shacabka

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, ayaa ilaa hadda ka jawaabi waayay eedeymaha soo baxay.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:09AM