Rooble: Way iga go'an tahay in Ikraan ay hesho cadaalad

Image
Image
Image
Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Rooble ayaa maanta la kulmay qoyska Ikraan Tahliil Faarax. [OPM Somalia]

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Rooble ayaa maanta la kulmay qoyska Ikraan Tahliil Faarax oo ay wehliyaan Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Cabdullaahi iyo xubno ka tirsan ehelada.

Rooble ayaa "mar kale u xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay ay helaan caddaalad, uuna qaadi doono tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si arrintaas loo xaqiijiyo, waxa uuna ku baaqay in si degdeg ah loo sii daayo dadka aan waxba galabsan ee la afdduubtay".

"Ra’iisul Wasaaraha ayaa mar kale u xaqiijiyay qoyska Ikraan sida ay uga go’an tahay ay helaan caddaalad, uuna qaadi doono tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si arrintaas loo xaqiijiyo, waxa uuna ku baaqay in si degdeg ah loo sii daayo dadka aan waxba galabsan ee la afdduubtay," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Rooble.

Musharax madawayne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa Rooble ku bogaadiyey la kulanka qoyska Ikraan.

"Waan ku ammaanayaa Raysalwasaare Rooble la kulanka waalidka iyo ehelka Ikraan Tahliil. Waxaan rajaynaynaa in 24 soo socda uu qaato go’aan waalidka iyo shacabkaba qanciya," ayuu yiri.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo qudhiisa qoraal ku daabacay bartiisa Facebook-ga ayaa rajeeyay in Rooble uu saacadaha soo aadan qaadan doono go'aan u adeegaya cadaaladda.

"RW Rooble qoyskii Ikraan Tahliil ayuu gurigiisa ku qaabilay maanta si uu ugu tacsiyeeyo, xanuunka iyo murugadana ula qaybsado. Farmaajo-na meel 200 tilaabo u jirta ayuu ku xafladeynayaa!," ayuu tibaaxay.

Rooble ayaa 48-saacadood u qabtey agaasimaha hay'ada sirdoonka Soomaaliya, Fahad Yaasiin Daahir, si uu u soo gudbiyo warbixin dhameystiran oo ku saabsan Ikraan "maadaama aan lagu qancin xogtii horey".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM