Serbia oo si rasmi ah u aqoonsatay baasaboorka Soomaaliya

Image
Safaaradda Soomaaliya ee caasimadda Serbia ee Belgrade ayaa si rasmi ah u gudbisay Muunadda saxda ah ee Baasaboorka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dalka Serbia ayaa ka mid noqday waddamadda reer Yurub ee lagu tegi karo Baasaboorka Soomaaliya.

Dowladaha Soomaaliya iyo Serbia oo horay u lahaa xiriir dheer ayaa arrintan waxay imaanaysa ka dib markii dadaal dheer ay sameeyeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ay Dowlado badan ogolaadeen in Baasaboorka Soomaaliya lagu geli karo dalalkooda.

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka ah Soomaaliya ee caasimadda Serbia ee Belgrade ayaa si rasmi ah u gudbisay Muunadda saxda ah ee Baasaboorka Soomaaliya.

Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dhinaca Qunsuliyadaha Marwo. Vera Vukićević oo ay weheliso Ku-xigeenkeeda Marwo Mirjana Živković ayaa Safaaradda ka Gudoomiye Muunadda saxda ah Baasaboorka Jamhuuriyadda Federaalka ah Soomaaliya sedaxdiisa nooc.

Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya waxaa ay u mahad celinaysaa Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka ah Soomaaliya ee Belgrade iyo Diplomaasiyiinta howshan fududeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Somaliland oo is-dhaafsaday Maxaabiis Dagaal 

Wasiirku wuxuu ku tilmaamay is-weydaarsigan mid muhiim u ah dhismaha kalsoonida iyo xasilinta xiriirka labada dhinac.

  • Soomaliya

    30-04-2025

  • 09:36AM

Sheekh Aadan Madoobe oo lagu qasbay inuu Xildhibaan Abiib Kursigiisa u celiyo

Wasaarado katirsan Xukuumadda Xamse ayaa lagu soo waramayaa in warqadaha Abiib ay ku waayeen lacag badan iyo Mashaariic.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 06:03PM