Shir laga yeeshay abaaro ka jira qaybo kamid ah Jubaland

Image
Image
Image
Image
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa guddoomiyey kulankan oo qeyb kamid ah shirka golaha wasiirada maamulkiisa.

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam, ayaa gudoomiyay kulanka golaha wasiirada oo lagaga hadlay xaaladaha abaaraha ka jira qeybo kamid ah Jubaland, arimaha amaanka iyo qodobo kale.

Ugu horayn, Wasaarada amniga ayaa ka warbixisay xaalada amniga Jubaland iyo xaaladahii u danbeeyay oo ay kamid yihiin howlgalo ay sameeyeen Ciidamada kala duwan ee amniga.

Wasaaradaha xanaanada xoolaha iyo Wasaarada Maaraynta masiibooyinka ayaa ka warbixiyay abaaro si xoog leh ugu jira qeybo Kamid ah Jubaland taas oo saamayn ku yeelatay xoolaha iyo dadweynaha.

"Waxaa intaas dheer xanuuno aan la aqoon oo si ba’an u laynaya xoolaha sida wasaarada xanaanada xoolaha ay ku warbixisay," ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Madaxtooyada Jubaland.

Dhinaca kale, Wasaarada Cadaalada arimaha diinta iyo awqaafta ayaa ka warbixisay shaqooyinka waaxda Cadaalada iyo sida ay muhiimka u tahay in la xoojiyo hay’adaha Cadaalada taas oo wax badan laga qabtay sanadahii lasoo dhaafay.

Ugu danbayntii, Wasaarada Caafimaadka ayaa ka warbixisay qalab kala duwan oo Hay’ada Carta Foundation ay ugu deeqday wasaarada taas oo wax badan ka tari doonta shaqooyinka socda iyo dadaalka Wasaarada ee dib loogu habaynayo kaabayaasha Caafimaadka taas oo taageero weyn looga baahan yahay dadka deegaanka ee qurbaha ku maqan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM

Soomaaliya: Agaasimihii Hore ee NISA oo Wasiirka Gaashaandhigga Ku Eedeeyay Cabsi-gelin Siyaasadeed

Hadalka Sanbaloolshe ayaa yimid kaddib markii Wasiir Axmed Macallin Fiqi uu sheegay in dowladda ay "u naxariisatay".

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 08:53PM