Shir laga yeeshay xalka xiisada habraaca doorashooyinka

Image
Hogaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya ayaa isugu yimid kulan ay ku gorfeynayaan xalka is-qabqabsigan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Hogaamiyeyaasha siyaasada Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay siyaabo kala duwan ugu kulmay magaaladda caasimada ah ee Muqdisho si ay uga shiraan masiirka doorashooyinka.

Qabsoomida coddeynta oo bilooyin kahor rajo fiican laga qabay in ay noqoto mid cadaalad ah oo waqtigeeda ku qabsoonta ayaa madmadow soo food-saartey markii muran uu ka dhashay habraac loo diyaariyey.

Habraacaas kasoo baxay golaha wadatashiga qaranka oo laba casho ku shiray Muqdisho waxaa diidey Midowga Musharaxiinta kuwaasoo dalbadey in dib-u-eegis ballaaran lagu sameeyo habraacaas.

Khilaafkan soo shaac-baxay ayaa dhabaha u xaarey kulan deg-deg ah oo fiidnimadii Isniinta Muqdisho ku dhexmara musharaxiinta iyo madaxda golaha wadatashiga qaranka kaasoo is-faham kooban lagu gaarey.

Dhamaan xafiisyadda warfaafinta hogaamiyeyaasha wali fahfaahin kama bixin kulankan. Isku-dayo la doonayey in wax looga waydiiyo waxay xuseen in aysan haysan ogolaanshiyo ay tafaasiil ku dhiibaan.

Sida ay warsidaha Garowe Online u xaqiijiyeen illo wareedyo xog-ogaal ah, dhinacyada ayaa kala magacaabay guddi ka kooban lix xubnood kuwaasoo kawada shaqeyn doona dib-u-qaabeyn lagu sameeyo habraacaas.

Si dhab ah looma ogga haddii isbedelka lagu sameyn doono habraaca iyo haddii sidiisa lagu dhaqan-gelin doono. Sidoo kale, waxaanan kala caddeyn haddii isbedelkaas lala wadaagi doono dadweynaha iyo warbaahinta.

Sida ku xusan jadwalkii soo baxay 27-dii May, 2021, doorashada madaxweynaha ayaa qabsoomeysa 10-ka October, 2021. Balse, waxaa su'aal la gelinayaa haddii ay suurtagal tahay maadaama waqtigu gabaabsi yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad oo loo magacaabayo Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda - XOG

Cali Balcad wuxuu ahaa wakiilka gaarka Madaxweyne Xasan Sheekh arrimaha wadahadalka Itoobiya iyo hirgelinta heshiiskii Ankara.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:37AM

Aadan Madoobe oo Cabsi in xilka laga qaado u furi la'yahay Gollaha Shacabka

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, ayaa ilaa hadda ka jawaabi waayay eedeymaha soo baxay.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:09AM