Shuruud lagu xiray bixinta dhaqaalaha doorashada Soomaaliya

Image
Safaaradaha Mareykanka, Ingiriiska iyo Norway ayaa qoraalo waxay u direen madaxda Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Safaaradaha Mareykanka, Ingiriiska iyo Norway ayaa qoraalo waxay u direen Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Rooble, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, Guddiyda doorashada FEIT iyo SEIT.

Bayaanka ayaa waxay shuruud ku xireen bixinta dhaqaalaha ku baxaya doorashada ee ay horay Beesha Caalamka u balanqaadeen.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kalewaxa ay dalbadeen in qeybta ugu horreysa ee dhaqaalaha ay bixinayaan marka ay muuqato doorashada inay si habsami ah u socoto, kana bilaabato saddex dowlad goboleed.

Si lamid ah, dowladahan ayaa tibaaxay lacagaha khidmada Musharaxiinta Xildhibaannada lagu soo shubo Bankiga Dhexe.

Sidoo kale, qeybta labaad ee dhaqaalaha ay bixin doonaan markii saddex meelood labo meel laga qabto doorashada dhammaan goobaha ay ka dhaceyso doorashada.

Dowladaha Mareykanka, Ingiriiska iyo Norway ayaa sheegay inay bixinayaan lacagta dheeriga ah 3.7 milyan dollar oo ay dalbadeen Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddiga doorashada heer Federaal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM

Villa Somalia oo go'aan ka gaartay qofka noqonaya Madaxweynaha xiga ee Koonfur Galbeed

Heshiiskan cusub ayaa loo arkaa mid si weyn u beddeli doona jihada siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 05:04AM