Soomaaliya oo dalab cusub u dirtay Midowga Yurub

Image
Image
Image
EU oo joogitaan rasmi ah ku leh Muqdisho ayaa kamid ah daneeyeyaasha ugu muhiimsan ee arrimaha Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Balal Maxamed Cusmaan, ayaa maanta oo Arbaco ah kaga guddoomay Caasimadda Muqdisho, nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo Safiiradda Midowga Yurub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Tiina Intelmann.

Balal ayaa tilmaamay heerka wanaagsan ee xiriirka Soomaaliya iyo Yurub, isagoo carrabka ku adkeeyay sida ay Soomaaliya uga go'an tahay xoojinta wax wadaagga istiraatiijiyadeed ee ay la leedahay Midowga Yurub.

Wuxuu kaloo xusay baahida loo qabo in la kordhiyo xaddiga gargaarka iyo mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya, lana ballaariyo iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa caddeeyay in Wasaaraddiisu ay diyaar u tahay in ay u fududeyso wixii tas-hiilaad ah Danjire Tiina Intelmann si ay uga soo dhalaasho howsha loo igmaday si guul leh oo la mahdiyo.

Dhankeeda, Intelmann ayaa muujisay sida ay ugu faraxsan tahay in ay Midowga Yurub u matasho Soomaaliya oo ah dal qurux badan, dadkiisuna yihiin kuwa leh himillo sare, iyada oo ku nuuxnuuxsatay sida ay uga go’an tahay in ay hore u dhaqaajiso iskaashiga Soomaaliya iyo Yurub.

Haweenaydan ayaa xustey in EU sii wadayso taageeridda dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu saldhigayso amniga, xasiloonida iyo dib-u-heshiisiinta iyo ka hortagga caqabadaha horumarinta dhaqaalaha iyo bulshada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM

Soomaaliya: Agaasimihii Hore ee NISA oo Wasiirka Gaashaandhigga Ku Eedeeyay Cabsi-gelin Siyaasadeed

Hadalka Sanbaloolshe ayaa yimid kaddib markii Wasiir Axmed Macallin Fiqi uu sheegay in dowladda ay "u naxariisatay".

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 08:53PM