Soomaaliya oo eriday ku xigeenka wakiilka Midowga Afrika

Image
Mulongo ayaa lagu eedeeyey inuu ka shaqaynaayey "howlo aan waafaqsaneyn waajibaadka AMISOM iyo Istiraatiijiyadda Amniga Soomaaliya".

1MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa qoral u dirtay Guddiga Sarre ee Midowga Afrika.

Bayaanka ayaa ahaa wargalin ku saabsan eryida in Simon Mulongo oo ah ku xigeenka madaxa AU ee arrimaha Soomaaliya.

War-saxaafadeedka ayaa faraya in Mulonge uu dalka uga baxo muddo toddoba maalmood gudahood ah kadib markii loo aqoonsadey ‘persona non grata’ [qof aan dalka laga rabin].

Mulongo oo u dhashay dalka Uganda ayaa lagu eedeeyey inuu ka shaqaynaayey "howlo aan waafaqsaneyn waajibaadka AMISOM iyo Istiraatiijiyadda Amniga Soomaaliya".

"Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxay bogaadin usoo jeedineysaa Guddiga Midowga Afrika, waxaana sharaf u ah inay la socodsiiyaan Guddiga, in shaqsiga hoos ku qoran laga dhigay ‘persona non grata’, waxaana lagu amray inuu uga baxo Soomaaliya muddo 7 cisho gudahood ah," ayaa lagu yiri qoraalka.

Waa Diblumaasigii labaad ee xil sare haya oo Soomaaliya kaga eryo inta uu xafiiska joogo Farmaajo.

Bishii December, 2018-kii, dowladda Soomaaliya ayaa eriday Nicholas Haysom oo ahaa wakiilka UN kadib markii uu ka hadlay xariggii Mukhtaar Roobow ee Diisambar 2018-ka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirka Gollaha Wadatashiga Qaranka (NCC) oo dib loo dhigey

Kala qaybsanaanta siyaasadeed ee sii kordhaysa ayaa weli caqabad ku ah hannaanka nabadda iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    01-05-2025

  • 11:18AM

Aadan Madoobe oo u safray Algeria xili uu  wajahayo Mooshin

Xildhibaanadii ugu badnaa ayaa Mooshinka saxiixay, oo ku adkaysanaya inay xilka ka qaadaan Aadan Madoobe, oo lumiyay Kalsoonidii Gollaha.

  • Soomaliya

    01-05-2025

  • 09:20AM