Soomaaliya oo eriday ku xigeenka wakiilka Midowga Afrika

Image
Mulongo ayaa lagu eedeeyey inuu ka shaqaynaayey "howlo aan waafaqsaneyn waajibaadka AMISOM iyo Istiraatiijiyadda Amniga Soomaaliya".

1MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa qoral u dirtay Guddiga Sarre ee Midowga Afrika.

Bayaanka ayaa ahaa wargalin ku saabsan eryida in Simon Mulongo oo ah ku xigeenka madaxa AU ee arrimaha Soomaaliya.

War-saxaafadeedka ayaa faraya in Mulonge uu dalka uga baxo muddo toddoba maalmood gudahood ah kadib markii loo aqoonsadey ‘persona non grata’ [qof aan dalka laga rabin].

Mulongo oo u dhashay dalka Uganda ayaa lagu eedeeyey inuu ka shaqaynaayey "howlo aan waafaqsaneyn waajibaadka AMISOM iyo Istiraatiijiyadda Amniga Soomaaliya".

"Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxay bogaadin usoo jeedineysaa Guddiga Midowga Afrika, waxaana sharaf u ah inay la socodsiiyaan Guddiga, in shaqsiga hoos ku qoran laga dhigay ‘persona non grata’, waxaana lagu amray inuu uga baxo Soomaaliya muddo 7 cisho gudahood ah," ayaa lagu yiri qoraalka.

Waa Diblumaasigii labaad ee xil sare haya oo Soomaaliya kaga eryo inta uu xafiiska joogo Farmaajo.

Bishii December, 2018-kii, dowladda Soomaaliya ayaa eriday Nicholas Haysom oo ahaa wakiilka UN kadib markii uu ka hadlay xariggii Mukhtaar Roobow ee Diisambar 2018-ka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM

Soomaaliya: Agaasimihii Hore ee NISA oo Wasiirka Gaashaandhigga Ku Eedeeyay Cabsi-gelin Siyaasadeed

Hadalka Sanbaloolshe ayaa yimid kaddib markii Wasiir Axmed Macallin Fiqi uu sheegay in dowladda ay "u naxariisatay".

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 08:53PM