Taliyeyaasha oo looga digay in ay maraan wadadii Fahad

Image
Dhamaan musharaxiinta madaxtinimada ayaa lagu waaniyey in ay dhex u noqdaan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyeyaasha ciidamada Soomaaliya waa in aysan ku milmin siyaasadda, sida uu uga digay musharax madaxwayne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Hadalka Warsame ayaa yimid waxyar kadib markii taliyeyaasha ay maanta ku kulmeen magaala madaxda Muqdisho. Fahfaahinta kulanka ayaan wali si rasmi ah loosoo bandhigin.

Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir ayaa taliyeyaasha ciidamadda ku tartarsiiyey in ay dhex u noqdaan dhamaan musharaxiinta u taagan jagadda hogaaminta waddanka.

"Waxaa uga digaynaa saraakiisha halkan ku shirsan in ay maraan waddadii taliyihii hore ee Nabadsugidda ee ahayd in hay’adaha amniga lagu dhex milo siyaasadda," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Waxaan xusuusinaynaa in heshiiskii 27 Maajo u farayo dhammaan qaybaha kala duwan ee ciidamada amniga labada heer in aysan ku milmin, faragelinna ku sameyn arrimaha siyaasadda iyo hirgelinta doorashada".

"Haddii ay heshiiska jebiyaan, iyagoo musharrax u hiillinaya waa in mudankooda la marsiiyaa. Saraakiisha kale iyo shacabkuba waa in ay indhaha ku hayaan dhaqdhaqaaqooda," ayuu kusoo xiray.

Ciidamadda ayaa ah mawduuc xasaasi ah mar walba oo Soomaaliya ay gasho doorashooyin si gaar ah xilliyadda kala guurka waxaana aalaaba mucaaradka dalbadaa dhexdhexaadnimo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya oo cabsi amni darteed u diiday Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya inuu dalkeeda galo

Dowladda Kenya ayaa masaafurisay Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji.

  • Soomaliya

    29-06-2026

  • 07:56AM

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM