Walaac laga muujiyey amniga Soomaaliya kahor doorashada
MUQDISHO, Soomaaliya - Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay ammaanka Soomaaliya kahor doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxtinimadda ee dib-u-dhacay weyn uu ku yimid.
James Swan, ergayga gaarka ah ee Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa oo la hadlay kulanka golaha ammaanka UN-ka, ayaa tibaaxay in Al-Shabaab wali halis ku tahay nabad-gelyadda waddanka.
Sida laga soo xigtey diblumaasiga ugu sareeya xafiiska UN-ka ee Muqdisho, hogaamiyeyaasha Soomaalida waa in ay dhinac iska dhigaan kala aragti-duwanaanta si Al-Shabaab fursad uga helin halkaas.
"Nasiib darro, xaaladda ammaan ee Soomaaliya weli waa mid kacsan. Waxaan bogaadinayaa dadaalka iyo naf-hurnimada ciidamada Amniga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee maalin walba hortaagan AlShabaab," ayuu yiri.
Wuxuu raaciyey: "Al Shabaab ayaa weli khatar weyn ku ah amniga Soomaaliya, awoodna u leh in ay joogteyso dhaqdhaqaaqyo xoog leh, oo ay ku jiraan isticmaalka walxaha qarxa ee joogtada ah, iyo kororka adeegsiga ismiidaaminta".
"Muqdisho, Weerarkii ugu dambeeyay ee loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa ayaa dhacay 25-kii Sebtembar, kaas oo lala beegsaday Koontaroolka laga galo Villa Soomaaliya, waxaana ka dhashay Khasaaro kala duwan oo ay ku jirto la-taliye sare oo ka tirsan dowladda. Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarada Al Shabaab, waxaana tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelada dhibanayaasha," ayuu xusay.
Swan ayaa hadalkiisa wuxuu kusoo gabagabeeyay: "Ilaa hadda sanadka 2021-ka, UNSOM waxa ay diiwaangelisay 964 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay iskahorimaad hubeysan. Al-Shabaab ayaa weli ah dembiilayaasha ugu weyn, iyadoo mas'uul ka ah ku dhawaad saddex meelood laba meel dhaawacyada rayidka ah".
Ammaanka ayaa kamid ah caqabadaha ugu waaweyn ee doorashooyinka Soomaaliya. Tani waxay horseeday walwal ah in kooxda hubeysan ay saameyn ku yeelato geedi-socodka xulista mudaneyaasha.
GAROWE ONLINE