Walaaca daahida doorashadda Soomaaliya oo kordhay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - War qoraal ah oo kasoo baxay Musharixiinta Mucaaradka Maanta oo Isniin ah ayaa lagu sheegay inay aad uga xun yihiin in saddex jeer dib looga dhigo jadwalka doorashooyinka ee lagu heshiiyay 27 May 2021.

Waxay dalbadeen Musharixiinta in shacabka Soomaaliyeed loo caddeeyo sababaha keenay dib u dhacyada isdaba jooga ah, ee keeni kara in Beesha Caalamka iyo saamileyda ay ka niyad jabaan dowlad-dhiska dalka.

Musharixiinta ayaa hoosta ka xariiqay in Gollaha Wadatashiga Qaran uu qaadayo mas'uuliyadda dib u dhaca jadwalka doorashooyinka, maadaama ay igu yihiin saxiixiyaasha heshiiska hanaanka doorashooyinka.

“Goluhu wuxuu dareensinayaa Gollaha Wadatshiga Qaran in ay mas’uuliyad ka saarantahay in ay shacabka Soomaaliyeed iyo saamileyda siyaasadda xaq ugu leeyihiin in ay si daahfuran ula wadaagaan sababaha kallifay in doorashooyinku ay dib uga dhacaan xilliyada loo muddeeyey aya lagu yiri” Qoraalka Midowga Musharixiinta," ayaa lagu yiri qoraalka.

Musharixiinta ayaa ku boorriyay madaxda Gollaha Wadatashiga Qaran in ay suuliyaan caqabadaha keenaya daaha doorashooyinka, si dalka looga badbaadiyo firaaq dastuuri ah oo dhaawici kara geeddi-socodkii dheeraa ee laga soo maray dowlad dhiska iyo dibu heshiinta dalka.

Ugu dambeyn, waxay qoraalka ku sheegeen in illaa iyo haatan shacabka u caddeyn xilliga saxda ah ee ay Doorashada Aqalka Hoose qabsoomayso, iyadoo hay’adihii dowladda oo muddo xiloodkoodii sharciga ahaa uu dhammaaday.

Tani waxay keentay hubanti la’aanta siyaasadeed oo sababtay in yididiilladii shacabka yaraato, mugdina hareeyo maalgashigii ganacsi, heshiisyadii caalamiga ahaa, kaalmooyinkii dhaqaale, dayn cafinta, iyo mataaladdii Soomaaliya ee fagaarashayaasha caalamiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Somaliland oo is-dhaafsaday Maxaabiis Dagaal 

Wasiirku wuxuu ku tilmaamay is-weydaarsigan mid muhiim u ah dhismaha kalsoonida iyo xasilinta xiriirka labada dhinac.

  • Soomaliya

    30-04-2025

  • 09:36AM

Sheekh Aadan Madoobe oo lagu qasbay inuu Xildhibaan Abiib Kursigiisa u celiyo

Wasaarado katirsan Xukuumadda Xamse ayaa lagu soo waramayaa in warqadaha Abiib ay ku waayeen lacag badan iyo Mashaariic.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 06:03PM