Warsame: Kiiska Ikraan ma aha mid si fudud loo dabooli karo

Image
Musharax madaxwayne Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka digay in waanwaanta laga dhex-bilaabay Farmaajo iyo Rooble.

MUQDISHO, Soomaaliya - Kiiska Ikraan Tahliil Faarax wuxuu saaran yahay maxkamad dadwayne, ma aha mid la dabooli karo, sida uu sheegay musharax madaxwayne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Warsame oo qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa ka digay wadahadalada laga dhex-bilaabay madaxweynaha waqtiga k dhacay Farmaajo iyo ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble.

Sida laga soo xigtay hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir, waanwaanta waxaa ku dhex-dhuumanaya dad in ay mowqifkoodu caddeeyaan ay shacabka Soomaaliyeed ka sugayaan.

"Ma garan qodobbada waanwaanta laga gelayo. Ma cayrinta Fahad? Ma caddaalad u raadinta Ikraan? Mise gabbaadsiinta eedaysanayaasha? Farmaajo ma aha nin tanaasula, waa nin raba in uu adkaado," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Waanwaanta agtiisa waa waqti iibsi, laakiin wuxuu mar walbana helaa qolo, iyaga qudhooda waanwaanta gabbaad ka dhiganaya oo kaga dhuumanaya in ay mowqifkii dadku ka sugayey caddeeyaan".

"Raysalwasaare yaan lagu hoosaasin. Go’aannadaada ku soco, shacabka Soomaaliyeed ayaa ku garab taagan. Maxkamadda dacwadda loo gudbiyeyna waa in ay horay u socodsiiso kiiska," ayuu raaciyey.

Siyaasiga ayaa kusoo xiray: "Kiiska Ikraan maxkamad dadwayne (Public Court) oo shacabkoo idil indhaha ku hayaan ayuu saaran yahay ee ma aha mid la dabooli karo. Dadka iyo dalkaba caddaalad ayaa deeqda".

Dhawaqa Warsame ayaa yimid xilli ay daaha gedaashiisa ka socdaan wadaxaajoodyo kuwaasoo ay garwadeen ka yihiin qaar kamid ah hogamiyeyaasha maamuladda oo raba in xiisadda si fudud biyo qabow loogu shubo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo si gabasho la’aan ah ugu faanay guulaha Ciidamada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu maqaalka ku shegeey in dagaalka lagula jiro argagixisada…

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 12:26PM

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo Ku Dhintay Duqeyn Ka Dhacday Yemen

Ibrahim wuxuu intaas ku daray in dad Soomaali ah oo halkaasi ku xidhnaa la wareejiyay maalmo kahor duqeynta.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 12:17PM