Warsame: Warqada Fahad waa xaqiraad, xagaldaacin iyo hanjabaad

Image
Rooble ayuu ku booriyey ku dhaqaaqida tilaabtii uu qaadi lahaa la sugin inta ka dhimman 48 saac.

MUQDISHO, Soomaaliya - Musharax madaxwayne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa "xaqiraad iyo xagaldaacin" ku sifeeyay qoraalka Fahad Yaasiin Daahir uga jawaabay dalabkii ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Rooble.

Warsame oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook ayaa ku booriyey wasiirka koowaad ee waddanka Rooble "in uu tilaabtii uu qaadi lahaa la sugin inta ka dhimman 48 saac".

Sida laga soo xigtay hogaamiyaha xisbiga Wadajir, ogta warqadda Fahad diray lagu siiyey afhayeenka Golaha Shacabka, Maxamad Mursal - oo aan Golaha Amniga ka tirsanayna - "waa hanjabaad loo jeedinayo RW Rooble". 

Hoos ka akhriso qoraalka Warsame

Qoraalka uu soo saaray Fahad Yaasiin, Farmaajana la ogyahay nuxur sharci iyo mid dowladeed midkoodna ka maran, waana:-

1- Xaqiraad (contempt) iyo xagaldaacin lagu sameeyey go’aankii Raysalwasaare Rooble.

2- Waa farsamo kale oo awoodda dib loogu celinayo Farmaajo oo uu muddo xileedkiisii sharciga ahaa dhammaaday, masuuliyadda amniga dalkana meel fagaare ah Raysalwasaaraha kula wareejiyey.

3- Gole Amni Qaran meel iskuma sheego, shirna sanado iskuguma imaanin, ogta la siiyey Maxamad Mursal oo aan Golaha Amniga ka tirsanayna waa hanjabaad loo jeedinayo RW Rooble.

Haddaba maxaa Raysalwasaare Rooble la gudboon?

1- Maadaama uu Fahad Yaasiin amarkiisii diiday, si toos ahna isku dhirririyey, waa in uu tilaabtii uu qaadi lahaa la sugin inta ka dhimman 48 saac.

2- In dhammaan dadkii kiiska ku lug lahaa tillaab sharci ah laga qaado, lana xannibo.

3- In Guddi uu madax u yahay shakhsi khibrad iyo hufnaan leh loo magacaaba baarista kiiskan.

Shacabka Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan, gaar ahaan kuwo Muqdisho waa in aan xaqa ku garab istaagnaa Raysalwasaare Rooble, kana hortagnaa rajiimka fidno huriska ah ee gabalkiisu dhacay.


Xiisad ayaa muuqata in ay ka dhalatay gudbinta warbixinta masiirka Ikraan Tahliil Faarax oo xubin ka ahayd sirdoonka Soomaaliya taasoo la waayey in ka badan bil kahor ayna NISA shaacisay in ay dishay Al-Shabaab wallow ay iska fogeysay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gudoomiyah Baydhabo oo lagu soo rogay Xabsi Guri xili xiisad ka jirto Koonfur Galbeed

Waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay dowladda faahfaahin dheeraad ah ka bixiso xaaladda sharciga ah ee guddoomiye Watiin.

  • Soomaliya

    22-04-2026

  • 01:27PM

Duqeyn Sirdoon Oo Lagu Beegsaday Shir Al-Shabaab lahayd; 33 Lagu Dilay

Ciidamada amniga ayaa sidoo kale sheegay inay burburiyeen gaari nooca pick-up ah oo lagu rakibay qori culus.

  • Soomaliya

    22-04-2026

  • 08:37AM