Wasiiradda Rooble oo eryay agaasimeyaasha laba hay'adood

Image
Wasiiradda ayaa magacaabidan ku meelmariyeen kadib shir deg-deg ah oo maanta ay ku yeesheen Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa waxay isku raaceen in Cabdiqaadir Cilmi Cabdul loo magacaabo gaasimaha cusub ee Hay’adda socdaalka iyo Jindiyadaha qaranka.

Wasiiradda ayaa magacaabidan ku meelmariyeen kadib shir deg-deg ah oo maanta ay ku yeesheen xafiiska wasiirka koowaad ee magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Cabdul oo bedelaya Maxamed Aadan Koofi ayaa, sida Garowe Online u xaqijiyeen illo wareedyo loo qaateen ah, waxay si dhow isugu dhow yihiin ra'iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Geesta kale, golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale ansixiyay magacaabista Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed oo loo magacaabay Eng.Cabdulqaadir Aadan Maxamuud.

Dhanka kale, Rooble ayaa magacabay gudiga fulinta wareegtadii madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey Farmaajo ee ilaalinta dhulka danta guud, kaa oo ka kooban;

1) Wasiirka Arimaha Gen. Mukhtaar Gudadaha Gudoomiye

2) Wasiirka Cadaaladda: Cabduqaadir Maxamed Nur

3) Wasiirka Amniga: Cabdulaahi Maxamed Nur

4) Wasiirka Waxbarashada: Cabdulaahi Carab

Farmaajo ayaa todobaadkii hore wuxuu soo saarey wareegto uu ku sheegayo in ay sharci darro tahay in dhul la iibiyo, la kireeyo ama maalgashi ay ku sameeyaan Soomaali iyo ajaaniib labaduba.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM

Soomaaliya: Agaasimihii Hore ee NISA oo Wasiirka Gaashaandhigga Ku Eedeeyay Cabsi-gelin Siyaasadeed

Hadalka Sanbaloolshe ayaa yimid kaddib markii Wasiir Axmed Macallin Fiqi uu sheegay in dowladda ay "u naxariisatay".

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 08:53PM