Wasiirka cusub ee amniga Soomaaliya oo la dhaariyey

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka cusub ee Amniga Gudaha Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Nuur, ayaa la dhaariyey. Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay dhaarinta.

Wasiirka Caddaaladda, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa dhaariyay wasiirka cusub kaasoo afartii sano ee lasoo dhaafay kamid ahaa xubnaha Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

"Ra’iisul Wasaare Rooble  ayaa wasiirka cusub kula dardaarmay in uu  si hufan u guto howsha muhiimka u ah qaranka ee loo igmaday si waafaqsan dastuurka iyo xeerarka dalka," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska wasiirka koowaad.

Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa farxad weyn wuxuu ka muujiyey xilka loo magacaabay. Sidoo kale, wuxuu mucaarad weyn ku ahaa dowladda uu hogaamiyo Farmaajo ee waqtigeedu dhamaadey.

Nuur oo dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud ka ahaa wasiiru-dowlaha wasaaradda maaliyada ayay u badan tahay in uu mar kale u tartamo xubinimada Aqalka Hoose. Degaan doorashadiisu waa Jowhar.

Sidoo kale, waa mulkiilaha Hotel-ka ku yaala xeebta Liido ee Muqdisho. Wuxuu caan ku yahay kalmada "30-jir 30 milyan haysta" taasoo uu ku sheegay wareysi uu siiyey Telefishinka maxaliga ah ee Universal.

Madaxtooyada Soomaaliya oo kalkii hore ka hor-timid magacaabida Nuur ayaan wali ka falcelin dhaarintisa. Xasan Xundubey oo qudhiisa diidey in la eryay ayaan wali caddeyn talaabadda xigta ee uu ku dhaqaaqi doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM