Website-ka wasaarada ganacsiga Soomaaliya oo la jabsadey

Image
Illaa haatan, lama ogga cidda dhabta ah ee ka dambeysa. Sidoo kale, wali wasaaraddu kama aysan hadlin dhacdadan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Website-ka wasaaradda ganacsiga dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa u muuqda mid ka jabsadey. Illaa haatan, lama ogga cidda dhabta ah ee ka dambeysa.

Sidoo kale, wali wasaaraddu kama aysan hadlin dhacdadan. Isku-dayo warsidaha Garowe Online u sameeyay si uu ula xiriiro mas'uuliyiinta wasaaradda ayaanan guuleysan.

Ciwaanka wasaaradda ee barta internet-ka oo ah www.moci.gov.so ayaa hadda hawada ka maqan. Sida muuqata waxaa talaabadan la qaadey markii burcadda ay u dhacdey.

Kooxaha jabsadey ayaa kahor inta aan hawada laga saarin waxay soo bandhigeen fariimo iyo qoraalo ay ku muujinayaan in ay guud ahaan la wareegeen maamulka mareegga.

Lama ogga haddii uu jiro wadaxaajood durba u bilowday burcada jabsatay website-ka iyo wasaaradda iyo tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan gorgortanka iyo inta uu qaadan karo.

Inta badan, wasaaradaha Soomaaliya ayaa ciwaanada ay ku leeyihiin internet-ka waxay u maamula Serves-ka u saaran shirkado gaar loo leeyahay maadaama uusan jirin mid dowladeed.

Tani ayaa dhabaha waxay u xaareysaa in ay shirkadaha oo aan la lahayn awood ay uga difaacaan kooxaha weerarka internet-ka kusoo qaada ay u nuglaadaan taasoo halis ku ah macluumaadooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM