Xasan Sheekh Maxamuud oo digniin culus u diray Farmaajo

Image
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay agaasimaha cusub ee loo magacaabay hay'adda NISA.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cod dheer wuxuu kaga digay in uu carqaladeeyo shaqada Ra'iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Rooble.

Dhambaalkan oo uu soo mariyey qoraal uu ku daabacay bartiisa shaqsiga ah ee Facebook-ga ayuu si toos ah ugu diray madaxweynaha waqtigu ka dhacay Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Dhanka kale, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Midowga Nabada iyo Horumarka ayaa wuxuu Hambalyo u diray Taliyaha cusub ee Sirdoonka Qaranka Bashiir Goobe

"Hambalyo taliyaha ku meel gaarka ah ee NISA Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, waxaan u rajeynayaa in uu ku guuleysto ma'uuliyadda culus ee loo idmaday," ayuu yiri.

Wuxuu hadalkiisa ku daray: "Ra’iisul Wasaaraha waxa uu mas’uul ka yahay dhammaan hay’adaha fulinta dalka oo ay ku jiraan kuwa ammaanka, jiritaanka hay’ado ammaan oo aan ka amar qaadanna waxa ay albaabka u fureysaa xasillooni darro iyo sameysanka kooxo hubeysan oo aan sharci ahayn, isla markaana dalka u horseeda burbur".

"Waxaan ugu baaqayaa dhammaan qeybaha ka duwan ee bulshada in ay garab istaagaan dadaallada uu Ra'iisul Wasaaruhu caddaaladda ugu raadinayo Ikraan Tahliil," ayuu xusay.

Xasan ayaa hadalkiisa kusoo gabagabeeyay: "Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday waa in uu ka waantoobaa carqaladeynta dadaallada Ra'iisul Wasaaraha, maadaama uu baarlamaanka iyo ummadda Soomaaliyeed hortooda ugu wareejiyay mas'uuliyadda dalka, kadib markii uu muddo xileedkiisu dhamaaday".

Soomaaliya ayaa gashay xiisad siyaasadeed cusub taasoo u muuqata in ay ka dhalatay kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo hay'ada sirdoonka sheegtay in Al-Shababa ay dishay balse qoyskeedu NISA la xiriiriyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya oo cabsi amni darteed u diiday Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya inuu dalkeeda galo

Dowladda Kenya ayaa masaafurisay Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji.

  • Soomaliya

    29-06-2026

  • 07:56AM

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM