Xildhibaanno ku dhaawacmay Qarax ka dhacay Jowhar

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Labo Xildhibaan ayaa ku dhaawacmay qarax miino oo xalay saqdii dhexe ka dhacay bartamaha magaaladda Jowhar, ee Caasimadda maamulka HirShabeelle.

Maxamed Cabdi Cali “Maxamed Dheere” iyo Cabdiraxman Cabdi Iidow “Kheyre”, ayaa qarax miino oo wadada qarkeeda la geliyay ku dhaawacmay xili ay kasoo laabteen munaasabad loogu dabaal-degayay sanad-guuradii 5aad ee kasoo wareegatay aas-aaska HirShabeelle.

Qaraxa miino wuxuu ka dhacay meel u dhaw saldhigga booliska Jowhar saqdii dhexe ee xalay, wuxuuna haleelay labada Xildhibaan xili ay lugeynayeen oo ay kusii jeedeen hoyga ay ka degan yihiin magaaladda, oo amnigeeda faraha kasii baxayo.

Xildhibaanno iyo Wasiiro ayaa lagu weeraray Jowhar tan iyo sanadkii lasoo dhaafay, waxaana kooxo hubeysan ku dileen gudaha magaaladda Wasiirkii Beeraha HirShabeelle Cabdiqaadir Abuukar Karaani bishii August 2020.

HirShabeelle ayaa ah maamulka ugu dhaw Muqdisho, kaasoo saameynta ugu badan ay ku leedahay Villa Soomaaliya, waxaana maamulka ka jira uu yahay mid jilicsan, oo lagu eedeeyay inuusan waxba ka qaban amniga. Jowhar iyo Balcad la isaguma gudbi karo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM