Xildhibaano ku dhaawacmay weerar ka dhacay Jowhar

Image
Mid kamid ah sharci-dejiyeyaasha ayaa si weyn looga dayrinayaan xaaladiisa caafimaad.

JOWHAR, HirShabelle - Warar aan ka heleyno magalada Jowhar ayaa sheegaya in xalay weerar bambaamo ah lagu qaaday guri ay ku shirayeen tirro xildhibaano ka tirsan maamulka Hir-Shabelle.

Guriga wuxuu ku yaala xaafad amnigeeda aad loo arkeeyo. Ilaa sadex xildhibaan ayaa dhawaac culus kasoo gaaray weerarkaas ayagoo loola cararay isbitaalka weyn degmada Jowhar.

Weerarka kadib khadar daqiiqado ah ayaa magalada waxaa si xoog ah looga maqlayay dhawaqa rasaas. Ciidanka ammaanka waxay kadib sameeyeen howlgal lagu goobayo dambiileyaasha.

Illo lagu kalsoon yahay ayaa u xaqiijiyey Garowe Online in magacyadda mudaneyaasha ay kala yihiin; Dubane Faarax Cali, Aadan Maxamed Muuse, iyo Cismaan Cabdullaahi Dhoore

Maxmuud Wabar Xasan, oo ah mudane ka tirsan xeer-dejnta dowlad goboleedkaas, ayaa tibaaxay in mid kamid ah sharci-dejiyeyaasha uu dhaawaciisu culus yahay una baahan yahay daryeel xoogan.

Aaga weerarka ka dhacay ayaa ah goob ay degan yihiin musharaxiinta u taagan xubinimada Aqalka Sare baarlamaanka federaalka 11aad ee meteleysa HirShabelle 4-ta sano ee nagu soo beegan.

"Amniga magaalada wuu wanaagsan yahay waxaana rajayneynaa in dhacdadan aysan saameyn ku yeelan doorashadda xubnaha Aqalka Sare," ayuu yiri Xasan, oo ah afhayeenka guddiga doorashada.

Al-Shabaab ayaa aalaaba looga bartey dhacdooyinka noocaan ah. Hase ahaatee, illaa haatan ma jirto sheegasho rasmi ah oo kooxda soo marsiisay warbaahinta ku hadasha afkeeda ee dhanka internet-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gudoomiyah Baydhabo oo lagu soo rogay Xabsi Guri xili xiisad ka jirto Koonfur Galbeed

Waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay dowladda faahfaahin dheeraad ah ka bixiso xaaladda sharciga ah ee guddoomiye Watiin.

  • Soomaliya

    22-04-2026

  • 01:27PM

Duqeyn Sirdoon Oo Lagu Beegsaday Shir Al-Shabaab lahayd; 33 Lagu Dilay

Ciidamada amniga ayaa sidoo kale sheegay inay burburiyeen gaari nooca pick-up ah oo lagu rakibay qori culus.

  • Soomaliya

    22-04-2026

  • 08:37AM