Xukuumadda oo qoyska Ikraan siisay fasax banaanbax

Image
Wasiirka cusub ee amniga, C/laahi Maxamed Nuur, ayaa uga digay laamaha amaanka in ay qash-qashaadan isu-soo-baxan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xukuumadda xilgaarsiinta federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay u fasaxdey qoyska Ikraan Tahliil Faarax in ay Muqdisho ka dhigaan banaanbax ay cadaalad ugu raadinayaan qoyskooda.

Wasiirka cusub ee ammaanka gudaha dalka oo warbaahinta ugu waramay xafiiskiisa ayaa carabka ku adkeeyay in fasaxan ay bixiyeen kadib markii codsi qoraal ah ay ka heleen ehelka Ikraan.

Laamaha ammaanka ayuu cod dheer ugu baaqay in ay sugaan nabad-gelyadda ka qeybgaleyaasha mudaaharaadka oo wali aanan lasoo bandhigin waqtiga saxda ah ee uu qabsoomi doono.

"Waxaan u arkaynaa ciddii ka hor-timaada, kaalmeyn wayda ama qash-qashaada in aysan ka duwaneyn ciddii dhibaatadda geysatay," ayuu hadalkiisa intaas sii raaciyey wasiir Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Dhankooda, ka qeybgaleyaasha isu-soo-baxa oo loo badinayo in uu ka qabsoomi doono mid kamid ah fagaareyaasha magaala madaxda in ay ka fogaan waxyeelo ay u geystaan hantida dadweynaha.

"Sax ma ahan in iyadda oo xuquuq la raadinayo la waxyeeleeyo xuquuqda dad kale iyo tan umadda Soomaaliyeed oo jidada taayaro laga gubo," ayuu hoosta ka xariiqay wasiirka.

Qaali Maxamed Guhaad oo ah hooyadda Ikraan Tahliil ayaa maanta tagtay xafiiska wasiirka halkaasoo la sheegay in ay ku gudbisay codsiga fasaxa banaanbaxa kuna soo guddoontey warqadda fasaxa.

Qadiyadda Ikraan oo la waayey ku dhowaad saddex bilood kahor kana tirsaneyd hay'adda sirdoonka qaranka laguna tuhunsan hogaanka taliska ayaa qaabka loo maareynayo waxaa ku kala jabay madaxda waddanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM