Taliyaha AFRICOM: Wuu Dhammaaday Xilligii Afrika Ku Tashanaysay Taageerada Milatari ee Maraykanka
Nairobi, Kenya – Taliyaha Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM), Gen. Michael Langley, ayaa fariin cad u diray waddamada Afrika, isagoo sheegay in xilligii lagu tiirsanaa taageerada milatari ee Maraykanka uu gabaabsi yahay.
Isagoo ka hadlayay shir ay isugu yimaadeen taliyeyaasha ciidamada Afrika ee ka dhacay magaalada Nairobi, Gen. Langley ayaa xusay in dalalka Afrika ay tahay in ay si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadda sugidda amnigooda. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in isbedelka ku yimid siyaasadda difaaca ee Mareykanka uu horseedayo dhimista taageerada dhaqaale iyo tababarada milatari ee la siiyo qaaradda Afrika.
“Waa in aad mas’uuliyaddan la wareegtaan. Mar dambe kuma tiirsanaan kartaan awoodda iyo dhaqaalaha milatari ee Mareykanka,” ayuu yiri Gen. Langley, isagoo hoosta ka xariiqay in arrintan ay qeyb ka tahay istiraatiijiyadda cusub ee difaaca Maraykanka, taasoo diiradda saaraysa arrimo gudaha ah iyo istiraatiijiyad dib loo habeeyay oo ku saleysan danaha qaran.
Saameynta Soomaaliya
Isbedelkan ayaa si gaar ah u saameyn kara Soomaaliya, oo muddo sannado ah si weyn uga faa’iideysaneysay taageerada milatari ee Mareykanka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab. Ciidamada Mareykanka ayaa door muhiim ah ka qaatay howlgallada sirdoon, duqeymaha cirka iyo tababarada la siiyo ciidamada Danab ee Soomaaliya.
Haddii taageeradaasi yaraato ama gabi ahaanba istaagto, waxaa laga cabsi qabaa in ay taasi daciifiso dadaallada Soomaaliya ee la-dagaalanka Al-Shabaab, xilli ay kooxdaasi wali khatar ku tahay amniga gudaha iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin hadalka Gen. Langley, hase yeeshee falanqeeyayaal amniga ku takhasusay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay tahay in ay si degdeg ah ugu diyaar garowdo isbeddelka cusub, isla markaana ay xoojiso awoodda gudaha iyo iskaashiga ay la leedahay waddamada kale ee gobolka.
Isbeddelkan siyaasadeed ayaa noqonaya caqabad cusub oo hor taagan dalal badan oo Afrikaan ah, kuwaas oo tobannaan sano la tiirsanaa taageerada milatari iyo dhaqaale ee Maraykanka.
GAROWE ONLINE