Brazil oo dhaleeceeysay weerarada ay Israa’iiliyiitnu ka gaysanayaan Qasa

Image

BRASíLIA (GO) - Madaxweynaha Brazil Luiz Inacio Lula da Silva ayaa Isniintii ku eedeeyay Israa'iil in ay ku dilaan marinka Qasa dad aan waxba galabsanin, isagoo ku nuuxnuuxsaday in jawaabta Israa’iil ay tahay mid aan ka khatar yarayn weerarkii ay qaadeen Xamaas 7-dii Oktoobar.

Lula ayaa yiri intii lagu guda jiray xaflad rasmi ah oo ka dhacday Brasilia:

"Kadib falkii argagixisanimo ee ay geysteen Xamaas, waxaa caddaatay in jawaabta ay ka bixisay Israa’iil aysan ka khatar yarayn kan Xamaas. Waxay dilaan dad aan waxba galabsan iyadoon wax halbeeg ah lahayn."

Sidoo kale, Lula, oo ah madaxweynaha waddanka ugu weyn Latin America, ayaa ku eedeeyay Israa'iil inay duqeyso meelaha ay carruurtu joogaan, sida isbitaallada, iyadoo marmarsiinyo uga dhigayso in halkaas ay ku sugan yihiin argagaxiso.

Waxa uu intaa ku daray, "Marka hore, waa inaad badbaadisaa haweenka iyo carruurta, ka dibna aad la dagaallanto cidda aad rabto," sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee France-Presse.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Israa’iil siinaya Hub Cusub xili ay xasuuq kawado Gaza

Sida ay sheegeen sarkaal Mareykan ah iyo qof kale oo xog-ogaal u ah qorshahan balse codsaday in aan magaciisa la shaacin, heshiiska ayaa ka kooban:

  • Caalamka

    21-09-2025

  • 10:31AM

Pakistan oo Sheegtay Inay Nukliyeerkeeda Ku Difaacayso Sacuudiga 

Asif ayaa sidoo kale tusaale u soo qaatay Israa’iil, isagoo sheegay in, “Isra’iil, in kastoo ay tahay quwad nukliyeer ah.

  • Caalamka

    20-09-2025

  • 05:56AM