IS oo sii daysey la-haystayaal Turkish ah

Image

Sept 20, 2014 (Garowe Online)- Waxaa maanta oo Sabti ah dib xoriyaddooda u helay 49 qof oo dalka Turkiga u dhashay, kuwaas oo muddo bilo ah u afduubnaa kooxda mayalka adag Daacish (IS) ee dalka Ciraaq.

Dadka lasii daayey oo isugu jira diblumaasiyiin, askar iyo qoysaskoodii, waxaa laga qafaashay qunsuliyadda Turkiga ee Mowsil bishii June ee lasoo dhaafay, markaas oo dagaalyahannada IS ay magaaladaas la wareegeen.

Ra'iisul Wasaaraha Turkiga Ahmet Davutoglu ayaa sheegay in sii deynta la haystayaasha Turkiga ahi ay ku timid dadaal badan oo ay sirdoonka dalkaasi sameeyeen.

Davutoglu ayaa docda kale soo gaba gabeeyey booqasho dhowr maalmood qaadan lahayd oo uu ku joogey dalka Azerbaijan, isagoo sheegay in sii deynta dadkaasi ay cashar lama illaawaan ah u noqon doonto Turkiga.

Wakaaladda wararka ee Turkiga Anadol ayaa baahisay  in aanay jirin wax madax furasho ah oo dadkaas lagu sii daayey dhammaantoodna ay caafimaad qabaan.

Dowladda Turkigu waxay horay u shaacisay inaysan qayb ka noqon doonin dagaal toos ah oo ka dhan ah Kooxda IS, waxayse sheegtay in dekedaheeda iyo garoomadeeda ay u fasixi doonto in laga soo dejiyo saadka iyo hubka kooxdaas lagula dagaallamayo.

Xigasho: Aljazeera/Arabic

GAROWE ONLINE

Related Articles

Caasimadda dalka Yemen, Sanca ah oo La Duqeeyay - Fahfaahin

Dhinaca kale, Mareykanka iyo Boqortooyada Ingiriiska ayaa horey u qaaday weerarro cirka ah oo ka dhan ah Xuutiyiinta.

  • Caalamka

    17-08-2025

  • 05:46AM

Saudi Arabia oo Taageertay Dadaallada Trump ee Lagu Joojinayo dagaalka Ukraine 

Sacuudigu wuxuu horey u muujiyay in uu ka go’an yahay doorkiisa dhexdhexaadinta iyo kor u qaadidda xasiloonida caalamka.

  • Caalamka

    17-08-2025

  • 05:34AM