Trump oo lagu eedeeyay inuu booqanayo dalal qoyskiisa dano ganacsi ka leh

Image

WASHINGTON - Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa wajahaya su’aalo isa soo taraya oo la xiriira xiriirrada ganacsi ee qoyskiisa ku leeyihiin Bariga Dhexe, iyadoo dad dhaliilaya ay ka walaacsan yihiin suurtagalnimada khilaaf dano shaqsi ah iyo maslaxadda qaranka.

Qoyska Trump ayaa danaha ganacsi ku leh saddexda dal ee uu hadda booqanayo — Sacuudi Carabiya, Qatar iyo Imaaraadka Carabta — taasoo ah safarkiisii ugu horreeyay ee Bariga Dhexe tan iyo markii uu dib ugu laabtay Aqalka Cad horaantii sanadkan.

Warar dhowaan soo baxay ayaa muujinaya in shirkadda lacagaha digitalka ee uu Trump aasaasay, World Liberty Financial, ay la shaqaynayso shirkad laga leeyahay Abu Dhabi si ay u hirgeliso heshiis $2 bilyan ah oo lagu maalgelinayo suuqyada lacagaha digitalka.

Bishii hore, wiilka labaad ee Trump, Eric Trump, ayaa dhameystiray heshiis ku kacaya $5.5 bilyan oo lagu dhisayo xarun golf oo casri ah gudaha Qatar.

Dhanka Sacuudiga, Trump Organisation waxay ka waddaa ugu yaraan saddex mashruuc oo ay ka mid yihiin horumarinta dhismayaal degaan iyo garoon golf ah.

Afhayeenka Aqalka Cad, Karoline Leavitt, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay eedeymaha sheegaya in Trump uu danihiisa gaar ah u adeegsanayo safarka, iyadoo tiri: “Waa wax lagu qoslo in la yiraahdo Madaxweyne Trump wuxuu u safaraya danihiisa. Wuxuu ka tegay nolol raaxo leh iyo hanti ganacsi si uu ugu adeego shacabka Mareykanka — mar labaad.”

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM