Al-Shabaab oo Weerarro Ku Qaaday Saldhigyo Militari oo Ku Dhow Muqdisho
MUQDISHO, Soomaaliya – Kooxda Al-Shabaab ayaa weerarro culus oo isdaba joog ah ku qaaday laba saldhig oo ciidan oo ku yaalla meel u dhow caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, taasoo dhalisay dagaal culus oo dhexmaray ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Midowga Afrika oo isku dhinac ah iyoAl-Shabaab, sida ay sheegeen mas’uuliyiin iyo dad goob joogayaal ah.
Weeraradan ayaa lagu beegsaday fariisimo ciidan oo ku yaalla deegaannada Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay saldhigyo ku leeyihiin ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed (SNA) iyo ciidamada Uganda ee ka tirsan howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM. Weerarka ayaa ka bilaabmay qaraxyo xoog leh, waxaana xigay dagaal toos ah oo saacado badan socday.
Warar hordhac ah ayaa sheegaya in ay jiraan khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ah, inkastoo aan wali la xaqiijin tirada rasmiga ah maadaama dagaalku uu socday ilaa duhurnimadii.
Goobjoogayaal ku sugan aagga ayaa sheegay in dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay si kooban ula wareegeen gacan ku haynta Sabiid iyo Caanoole, kaddib markii la sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AUSSOM ay dib uga gurteen cadaadis dagaal darteed. “Rasaasta wali way socotaa, dadka deegaanka aad bay u cabursan yihiin, qofna gurigiisa kama bixi karo,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Garowe Online.
Sabiid iyo Caanoole, oo ku yaalla duleedka degmada Afgooye, qiyaastii 30km u jirta Muqdisho, ayaa ah deegaano istiraatiiji ah. Labadan tuulo ayaa bishii hore laga xoreeyay Al-Shabaab intii lagu guda jiray howlgalka ciidan ee loogu magac daray Silent Storm, waxaana weerarkaas ku dhintay toddobo askari oo ka tirsanaa ciidamada Uganda, sida lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Uganda.
Dowladda Federaalka iyo howlgalka Midowga Afrika ee ayaan ilaa iyo hadda si rasmi ah uga hadlin weerarradan Jimcaha Maanta ah dhacay.
Dhinaca kale, ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa tan iyo bishii Abriil ee sanadkan 2025 lumiyay gacan ku haynta magaalooyin ay ka mid yihiin Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Moqokori ee gobolka Hiiraan, kadib weerarro xooggan oo ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday.
Al-Shabaab, oo ah koox xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa sii wada weerarro qorsheysan oo ay ku beegsanayaan saldhigyada ciidamada iyo xarumaha dowladda, iyagoo doonaya inay meesha ka saaraan dowladda Soomaaliya ee ay taageerto beesha caalamka.
GAROWE ONLINE