Erdogan: Soomaaliya waxay Turkiga ka codsatay in uu u baaro shidaal

Image

ANKARA, Turkey – Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa Isniinta maanta ah sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ku casuuntay Turkiga in uu u soo saaro shidaal markii ay heshiis dhanka badda ah la galeen Libya.

Isagoo wariyeyaasha la hadlay kadib shirka Libya ee Berlin, Erdogan ayaa tilmaamay in Turkiga uu tixgelinayo martiqaadka Soomaaliya, balse ma uusan bixin tafaasiil dheeraad ah oo ku aadan talaabada xigta.

"Waxaa jira dalab ka yimid Soomaaliya. Waxay nagu yiraahdeen: 'Badeena waxaa ku jira shidaal. Waxaad howlgalo ka sameyneysaan Libya, balse waxaad sidoo kale ka sameyn kartaa halkaan.' Tani waxay noo tahay mid muhiim ah," ayuu yiri, sidda uu baahiyey NTV.

Erdogan ayaa wuxuu ku daray: "Sidaas awgeed, waxaan qaadi doonaa talaabo ku saabsan howlgalkeena".

Hadalkan ayaa kusoo aadaya iyaddoo muddooyinkii dambe ay kordheen weerarada ka dhanka ah Turkida ku sugan Muqdisho.

Turkiga ayaa tan iyo 2011-kii kamid ah dowladaha taageerada ugu badan siiyaa Soomaaliya, waxaase ku wehliya Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Labadii todobaad ee lasoo dhaafay, laba Turki ah ayaa la dilay, lix kelana waa la dhaawacay kadib markii lagu qarxiyey caasimada Soomaaliya. Shaqsiyaadkan waxay kamid ahaa shaqaalaha dhismaha jidka Afgooye.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM