Hogaanka rugta ganacsiga gobolka Banaadir oo xabsi loo taxaabay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hay'adda nabad-sugida iyo sirdoonka Soomaaliya ayaa xirtay hogaanka rugta ganacsiga gobolka Banaadir, sidda ay xaqiijiyeen illo wareedyo.

Axmed Cabdullaahi Xasan iyo ku-xigeenkiisa Axmed Jimcaale ayaa lagu waramayaa in la qabtay maanta oo Khamiis ah, 23-ka Janaayo, sanadkan 2020-ka.

Ma cadda sababta loo qabtay xubnahaan. Balse waxay kusoo aadeysaa iyaddoo dhowaan ay soo ifbaxday in ay magacaabidooda ay saameyn ku yeelatay Al-Shabaab.

Xoogaga gacansaarka la leh shabakada argagixisada ah ee Al-Qaacida oo ku dhex-milantay hay'addaha dowladda ayaa lacago baad ah ka qaada ganacsatadda.

Sidda laga soo xigtay VOA-da, ganacsatada Muqdisho ayaa saddex sano ku murunsanaa qofka noqonaya gudoomiyaha rugta ganacsatada gobolka.

Kadib is-mari-waagaas, Al-Shabaab oo u yeertay ganacsatada ayaa shir saddex maalmood socday ugu qabatay gobolka Shabeellaha Hoose, sidda ay wararku sheegayaan.

Natiijada kasoo baxday wada-hadaladaas ayaa noqotay in Axmed loo magacaabo jagada gudoomiyaha, halka Jimcaale loo xushay ku xigeenka rugta ganacsiga gobolka.

Inkastoo Muqdisho laga saarey 2011-kii kadib howlgalo ay ka qeyb-qaateen AMISOM, ururka Al-Shabaab ayaa "nidaam mooryaanimo ah" kula dhaqanta bulshada caasimada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM