Madaafiic lagu weeraray Stadium Muqdisho kadib markii dib loo furay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Weerar madaafiic oo lagu tuhunsan yahay Al-Shabaab ayaa lagu ekeeyay Stadium Muqdisho waxyar kadib markii uu dib u furay madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidda ay warsidaha Garowe Online u sheegeen goobjoogeyaal, mid kamid ah hoobiyeyaasha ayaa ku dhacay gudaha qalcadda kubadda cagta.

Illaa iyo haatan lama soo warin wax khasaaro nafeed oo ka dhashay weerarada madaafiicda oo tirro kale ay ku dhaceen hareeraha garoonka.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan falkaan oo kasoo baxay dhanka Hay'addaha amamanka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

"Hoobiyeyaasha waxaa la maqlay waxyar kadib markii ay dhamaatay ciyaartii lagu furay oo u dhaxeysay kooxaha Horseed iyo Muqdisho," ayuu yiri qof u daawasho tegay ciyaartaas oo telefoonka kula hadlay GO.

Dhanka kale, qarax miino oo lasoo wariyey in uusan waxyeelo geysan ayaa fiidkii ka dhacay isgoyska Cali Kamiin oo ku dhow Stadio Muqdisho. Ma cadda bartilmaameedka weerarkaas oo Al-Shabaab looga shakisan yahay.

Wadada uu ka dhacay qaraxaas waxaa adeegsaday kolanyadda madaxweynaha oo dhowr daqiiqo ku sugnaa garoonka markii uu xariga ka jaray.

Si loo adkeeyo ammaanka madaxweynaha iyo wafdiga la socday, agagaarka garoonka waxaa maalmihii lasoo dhaafay la dhigay ciidamo.

Qaraxyadda miinooyinka oo isugu jira kuwa meelo fog-fog laga hago iyaddoo la adeegsanayo hormuud iyo kuwa telefoon lagu xiro oo la wacayo ayaa kamid ah xeeladaha Al-Shabaab ku bartilmaameedsato mas'uuliyiinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sarkaal Sare oo ka Tirsan Al-Shabaab oo Gacanta lagu Dhigay

Taliyaha Qaybta Koobaad ee AUSSOM, Jackson Kayanja, ayaa ku bogaadiyay ciidamada wadajirka ah guusha ay ka gaareen howlgalkan.

  • Soomaliya

    04-04-2026

  • 12:11PM

Hoobiyeyaal lagu garaacay garoonka Baydhabo xilli uu ka degay Xasan Sheekh

Amniga madaxtooyada Koonfur Galbeed, ayaa la sheegay in ay qeyb ka yihiin ciidamo ka socda dalka Ethiopia.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 07:44PM