Madaxweyne Farmaajo oo safar Deg Deg ah ugu ambabaxaya Masar

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa in todobaadkan uu u ambabaxo dalka Masar, oo ka furmayo Shir ay isagu imaanayaan shan hogaamiye oo katirsan Qaaradda Africa.

Madaxweyne Cabdifitaax Al Siisi ayaa martigelinaya Shir looga hadlayo Ganacsiga iyo Maalgashiga kaasi oo todobaadkan ka furmaya magaalada Xeebta ku taalla ee Sharm El Sheikh.

Mudane Farmaajo ayaa qeyb ka ah hogaamiyaasha lagu casuumay Shirka, kuwaasi oo kala ah Madaxweyniyaasha Ivory Coast, Rwanda, Guinea iyo Jaziirada Comoros.

Waxaa sidoo kale shirkan ka qeybgalaya Madaxweyne ku xigeenka Nigeria, Ra'iisul Wasaaraha Mozambique, Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Itoobiya iyo madax kale oo ka socda Qaaradda Africa.

Hal-kudhagga Shirka waxa uu yahay "Dhiiri-gelinta Maalgashiga Africa iyo kobcinta wadajirka ah ee Dhaqaalaha" waxaana hogaamiyaasha diirada saari doonaan in la abuuro Ganacsi xor ah oo isaga kala gudba xuduudaha dalalka Qaaradda.

Waxaa la filayaa in Madaxweyne Farmaajo uu Kulan gaar ah la qaato Al Siisi inta uu socdo Shirka, iyagoo kawada hadli doono arrimaha xiriirka labada dalka iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhaxeeya.

Siisi ayaa ka shaqeynayey in muddo ah sidii dowlada Soomaaliya u hagaajin laheyd xiriirka ay leedahay wadamada Imaraadka iyo Sucuudiga kadib markii Villa Somalia ka qaadatey mowqof dhexdhexaad ah khilaafka u dhexeeya wadamada khaliijka

Waa booqashadii labaad oo Farmaajo ku tago Masar tan iyo August, oo kamid ah dalalkii xiriirka u jaray Qadar bishii June, iyadoo dowladda Federaalka xiisadadda Khaliijka ka qaadatay go'aan dhex-dhexaad ah, kaasi oo culeyska kala kulmayso.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Deni oo ka digay firaaq dastuuri ah haddii aan heshiis laga gaarin doorashooyinka Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale sheegay in tallaabooyinka xiga ee Puntland ay ku xirnaan doonaan dareenka shacabka.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 05:09AM

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM