Maxay tahay Sababta ay Isku casishay Maryan Qaasim?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirkii Arrimaha Gargaar iyo Maareynta Masiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya, Maryan Qaasim ayaa fahfaahin ka bixisay sababta Iscasilaadeedii maanta.

Shirka jaraa'id oo ay ku qabatay Hoygeeda magaalada Muqdisho, ayay Maryan ku sheegtay sababta is-casilaadeeda is-barbaryaac ka jira Xukuumadda Ra'iisul Wasaare Khayre iyo duruufo dhanka shaqada ah.

"Waxaan uga tagey xilkii Wasiirnimo in ay igu adkaatay duruufta shaqo iyo isbarbar yaaca ka jirta Xukuumadda oo aan kala baxsanayn awoodaha, taasi oo aan ku jahwareeray," ayay yiri Maryan Qaasim.

Maryan Qaasim waxay sheegtay in Wasaarada ay joogtay ay ahayd mid shaqadeeda si fiican u taqaaney, balse loo madaxbanyn waayay howlaheeda shaqo, taasina ay ku kaliftay inay maanta is-casisho.

Waxay sheegtay inaysan mucaarad ku ahayn Xukuumadda, oo ay u rajaysay inay ku guuleysato waajibaadkeeda, iyadoo shaacisay inayka fariisatay waxii maanta ka dambeeyay arrimaha Siyaasadda.

Dr Maryan oo kamid ahayd Wasiiradda ugu firfircoon Xukuumadda ayaa wixii ka dambeeyay qaraxii Zoobe, waxay Wasaaradeeda noqotay mid fadhiid ah, oo howlaheedii laga maamulo Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha.

Howlgalaha Gurmadka dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Zoobe waxaa loo sameeyay Hay'ad gaar ah oo lagu magacaabo Gurmad Qaran, taasi oo maamulaysay arrimaha gargaarka loo fidinayay dhaawacyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Qarax Ka Dhacay Garoonka Baraawe Oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac

Illa iyo hadda, ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka, laakiin kooxda Al-Shabaab ayaa caadiyan fulisa weerarrada noocan oo kale ah.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 09:23AM

Madaxweynaha Somaliland oo Amray In La Sii Daayo dadkii Lagu Xiray Mudaharaadkii Burco

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa beenisay wararkaas, iyadoo sheegtay in cafiska loo sameyn doono kaliya maxaabiista ku xukuman dambiyo fudud.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 06:08AM